WorldRemitAds

Boorama – 18ka May 2019, 28 sanadood ka hor ayay Somaliland ku dhawaaqday madax banaanideeda, waxaana magaallooyinka waa weyn ee dalka laga xusaa qiimaha maalintaasi u leedahay dalka iyo dadka. Waxaana muwaadiniinta inta nool iyo inta dhalatay wakhtigaa ka dibba la xusuusiyaa wixii loo soo maray dalkan iyo sidii dawladnimadiisa lagu soo aasaasay.

Noqo kan ugu horeeya ee hela xog – Ku Biir Boggayaga Twitterka

SomlegalAds

Waxa kale oo dadkaasi loo sheegaa in Somaliland inta ay soo jirtay ee la xusayay 18ka May mar kastaba cadawgeeda gudaha iyo debeduba hor dhigayeen caqabado baajin kara farxadda iyo dabbaldegyada loo sameeyo maalintaasi. Hase yeeshee la arko ilaa maanta caqabadahaasi in aanay waxba ka qaadin, sannadba sannadka ka dambeeyana daabbaladegyadaasi waa ay sii xoogeysanayaan sidaa darteedna 28guurada ka soo wareegtay maalintaasina kama ay madhnayn tashwiish gudaha iyo debeddaba lagaga furo si loo baajiyo farxaddeeda.

Boorama: Borobogaandadii 18ka May Ka Hor Iyo Dabbaaldeggii Ka Dambeeyey
Boorama oo si weyn looga Dabaaldegay sannadguuradii 28aad ee Madaxbanaanida Somaliland

Haddaba, marka la eego magaalada Boorama ayaa dabbaadegyada 28 guurada ka soo wareegtay maalintasi aanay ka madhnayn dareenno liddi ku ah oo la kala dhex dhigo dawladda, shacbiga iyo xuskaasi waxana 18kii May ka hor ku soo badanayey Magaallada warar la xidhiidha baajinta maalintaasi oo reer Boorama oo aan u soo bixi doonin fagaaraha lagu saadaalinayay.

Hadalkii xildhibaan Dhakool ee sababay xadhigiisu waxay hor mood ka ahaayeen niyadjabinta shicibkii soo bixi lahaa .Dilkii labadii sarkaal ee Gar adag, maqnaanshaha Badhasaabkii gobolka Awdal, hadaladii Cali Khaliif iyo Ina Samatar, iyo saadaasha mudaaharaad aan jirin oo dhici doona waxay dhammaan ahaayeen borobagaandho kuwa dadka wakiilka u ah cadowga Somaliland si wanaagsan ugu baahiyeen Magaallada taasoo sababtay inaan suuqyada Boorama lagu arag calanka Somaliland iyo astaamaha 18ka May, Dawaarlayaashii iyo maryihii laga tolan lahaa calanka Somaliland na waa laga waayey Magaalada arrimahaasi oo sababay in maamulka dawladda ee gobolka iyo degmadu waayeen awood u shicibka kaga saaro borobagaadhadaasi kuna dhiirrigeliyo ka qaybgalka xuska 18ka May.

Jawiga siyaasadda iyo xaaladda Magaalada ka taagnayd kuna saabsanayd dabbaaldegyada 18ka May ayaa mar keliya waxa isbeddel ku yimi 17kii May oo ahayd maalin ka hor 18ka May, wakhigaasoo uu Magaalada soo gaadhay Madaxweyne ku xigeenka dalka iyo wafdi u hogaaminayey, kuwaas oo habeenimdadii 18ka May Xaafadaha Magaalada gaadhsiiyey astaamihii maalintaasi, diyaariyeyna fagaarihii lagu qaban lahaa, dadweynihii, dawladii iyo shacbigii ka qaybqaadan lahaa xuska maalintaasi .Waxa hoos laga diyaariyey ciidamadii amniga ee kala duwanaa, shaqaalihii dawladda iyo qaar ka mid ah shirkadaha ganacsiga kuwaas oo xoogoodii iyo waxay kaga qayb geli lahaayeen xuska 18May soo bandhigay, waxaana subaxnimadii horeba fagaaraha khayriyadda soo buuxdhaafiyey dadweyne watay calankii Somaliland oo lagu xardhay 18ka May meel la kala joogsadana waa la waayey, wixii intaa ka dambeeyeyna magaalada kama muuqanin ama lama dhegeysanaynin xoogagii qarsoonaa ee dadweynaha ka fogeeyey xuska maalintaasi, sidaa ayaan maalintaasi iyo dabbalgedyadeedii Boorama lagu sagootiyey, neef qaboobina kaga soo baxday muwaadiniintii iyo dawladdii shakiga ka qabtay qabsoomidda xuska maalintaasi iyo dabbaldegyadeedaba .