WorldRemitAds

Riyadh, Saudi Arabiya, June 19, 2019 (Saxafi) – Dhaxalsugaha Boqortooyadda Sucuudi Carabiya Maxamed Bin Salmaan ayaa la filayaa inuu waajaho baadhis ku saabsan dilkii Suxufigii reer Sucuudi Carabiya ee Jamaal Khashoggi ee lagu dilay Safaaradda Sucuudigu ku leeyahay dalka Turkiga sannadkii hore.

Noqo kan ugu horeeya ee hela xog – Ku Biir Boggayaga Twitterka

SomlegalAds

Warbixinta sida weyn ee loo sugayay ee baadhitaanka ay Qaramada Midoobey ku sameyneyso dilkii saxafiga Jamal Khashoggi ayaa arbacadii toddobaadkan si rasmi ah loogu dhawaaqay.

Khabiir sarre oo Jamciyadda Qurumaha Ka Dhaxeysa ka tirsan taasi oo kiiskan si gaar ah loogu xil-saarey ayaa shaaca ka qaadey in “caddeymo lagu kalsoonan karo” ay muujinayaan in xubno sare ay dilka abaabuleen.

Agnes Callamard ayaa warbixinteeda ku shaacisay in dhaxalsugaha Boqortooyadda Sacuudiga, Maxamed Bin Salmaan iyo mas’uuliyiin kale ay falkaasi khaarijinta ah si weyn isugu dabarideen.

Callamard ayaa tilmaamtay in caddeymaha ay u baahan yihiin baadhitaano dheeraad ah oo ay ku sameeyeen hay’addo kulan-sadey madax banaani iyo dhex-dhaxaadnimo caalami ah.

Khashoggi waxaa safaaradda Sacuudiga ku leeyahay magaaladda Istanbul ee xarunta dalka Turkiga ku dhex-dilay saraakiil ka tirsan sirdoonka Sacuudi Carabiya, sidda ay warbaahinta sheegeyso.

Tan iyo xilligaasi, mas’uuliyiinta Sacuudiga ayaa waxay ku adkeysanayaan in dhaxal-suge Maxamed Bin Salmaan uusan bixin amaradaasi.

Boqortooyadda Khaliijka ayaa 11 ruux oo aanan la magacaabin maxkamad ay alaabada u xifhan yihiin ku soo taagtay kiiska Jamaal, kuwaasi oo shan ka mid ah la sheegayo in dil toogasho sj lagu xukumayo.

Sikastaba ha ahaatee, haweeneyda Callamard ayaa sheegaysa in maxkamaddeyntaasi ay ku guuldareystay in ay waafaqsanaato heerarka caalamiga ah, waxayna codsatay in la joojiyo.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.