WorldRemitAds

Hargeysa, Somaliland, April 04, 2019 (Saxafi) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa boggaadiyay Xisbiga Dimuqraadiga Soomaaliyeed SDP oo qabsaday shirkii 10aad oo ay ku doorteen hoggaan cusub.

Noqo kan ugu horeeya ee hela xog – Ku Biir Boggayaga Facebook-ga

SomlegalAds

Shirka Jigjiga

Waxaa gabogabo maraya Shirwaynihii Xisbiga Dimuqraadiga Soomaalida oo maalmahanba ka socday magaallada Jigjiga ee Xarunta dowlad deegaanka Soomaalida, waxaana shirwaynaha shalay lagu dooranayay Gole dhexe iyo Guddida fulinta ee Xisbiga.

Xubanaha loo dooranayay shalay Gole dhexe waxaa ay ka koobnaayeen 61 xubnood. halka guddi fulinneed loo doortay 9 xubnood. waxaana dib loogu doortay Guddoomiyaha Xisbiga Axmed Shide Maxamed, Gudoomiye ku xigeena waxaa loo doortay inuu noqdo Mustafe Muxumed Cumar.

Sidaa waxaa ku dhismay xisbigii talada deegaanka hayay oo la filayo inuu wax badan ka badalayo qaab socodka siyaasadda deegaankaas, inkastoo dadka qaar aanay ku qanacsanayn qaabka loo dhisay xisbiga.

Abiy Ahmed

Ra’iisal wasaaraha dalka Itoobiya Dr Abiye Axmed ayaa soo gaadhay Jigjiga shalay. Abiyi Axmed ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ku soo dhaweeyay Madaxda deegaankaas u saraysa oo uu ka mid yahay Madaxwaynaha DDS Mustafe Cagjar.

Noqo kan ugu horeeya ee hela xog – Ku Biir Boggayaga Twitterka

Haddaba Ra’iisal wasaare Abiy ayaa u yimid si uu u soo xidho shirwaynaha 10aad ee Xisbiga Dimuqraadiga Soomaalida oo shalay galab la soo gabagabeeyay. Waxaana uu khudbad uu ka jeediyay farriimo ugu kala diray madaxda cusub ee xisbgaasi, iyo sida oo kale Jabhaddii ONLF oo uu kula taliyay inay wax ka bedellaan magacoodda si bulshaddu uga qayb noqoto.

Farriinta Madaxweynaha Somaliland

Madaxweynaha Somaliland Oo Farriin U Diray Hoggaanka Loo Doortay Xisbiga SDP Iyo Abiy Oo Tallo U Jeediyay ONLFMadaxweynaha Somaliland ayaa boggaadiyay hoggaanka cusub ee xisbiga maamula gobolka Soomaalida.

Waxaanu Madaxweynuhu ku hambalyeynayaa guusha ay ka gaadheen shirweynihii 10aad ee xisbiga kuna doorteen gudoomiyaha xisbigaasi, mudane Axmed Shide iyo gudoomiye ku xigeenkiisa, mudane Mustafe Muxumed Cumar iyo xubnaha kale ee xisbigaaasi. Waxaana war ka soo baxay madaxtooyada Somaliland lagu yidhi. “Madxweynuhu wuxuu ku bogaadinayaa dawladda federaalka itoobiya iyo xisbiga talada dalkaasi gacanta ku haya ee EPRDF, ee uu qaybta ka yahay xisbiga SDP sida dimuqraadiyada iyo bisaylka xisbinnimo ka muuqato ee uu ugu dhamaaday shirkaasi, taasoo ka turjumaysa talo wadaaga, kala danbaynta iyo jiritaanka xisbinimo ee geeska afrika, waxaanu madaxweynuhu si gaara ugu hambalyaynayaa horumarka iyo guusha xisbiga dawlad deegaanka Soomaalida ee SDP uu ka gaadhay doorashadaasi. Isagoo madxweynuhu u rajeeyey gudoomiyaha, gudoomiye ku xigeenka iyo xubnaha kaleba in Alle u fudaydiyo hawlaha xisbiga Dawlad deegaanka Soomaalida oo aynu wadaagno xidhiidh soo jireen ah oo ku dhisan walaaltinimo, deris wanaag iskaashi, ganacsi iyo isu socodka labada bulsho ee walaalaha ah.

Jamhuuriyadda Somaliland waxay soo dhawaynaysaa horumarka dimuquraadiyada xisbiyada ee ay ku tallaabsatay Dawladda federaalka Itoobiya, gaar ahaan kan deegaanka Soomaalida”

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.