WorldRemitAds

Hargeysa, Somaliland, April 4, 2019 (Saxafi) – Madaxtooyadda Somaliland ayaa markii ugu horeysay ka hadashay arrin dareen iyo xiisad badan kicisay maalmihii u dambeeyay oo ku saabsan Ganacsadaha Axmed Cismaan Geelle, kaas oo salaadiin iyo qaar ka mid ah asxaabtu ay xukuumadda Somaliland ku eedeeyeen inay Ganacsadahaas waaran u jartay oo ay u gacan gelinayso dawladda Djibouti, hase yeeshee arrintaas ayey Madaxtooyadda Somaliland sheegtay inaanay waxba ka jirin, balse ay jirto deyn Shirkadda uu iska leeyahay ganacsadaasi ee GSK uu u sheeganayo Baan laga leeyahay dalka Faransiiska oo maalgelin ku sameeyay wershadda sharaabka soo saarta ee uu ganacsadahaasi iska leeyahay ee Coca-Cola.

Noqo kan ugu horeeya ee hela xog – Ku Biir Boggayaga Facebook-ga

SomlegalAds

War-saxaafadeed uu Afhayeenka Madaxtooyadda Somaliland, Maxamuud Warsame Jaamac, warbaahinta u akhriyey, ayaa waxa uu ku sheegay in arrinta ganacsadahani tahay deyn lacageed oo baanka BCI Mer Rouge ay ka qaadatay Shirkadda GSK, ee uu iska leeyahay Ganacsade Axmed Cismaan Geelle, taas oo dhan $20 Million (Labaatan milyan oo doollarka Maraykanka ah), iyadoo lacagtaas lagu maalgeliyay Shirkadda Coca Cola ee laga dhisay dalka Somaliland, sidaas darteed Baankaasi dacwad ka furtay Maxkamadda Somaliland, iyadoo ganacsadaha laftiisu qiraal yahay inuu lacagtaas maalgelinta ah ka qaatay Baankaas.

War-Saxaafadeedka Afhayeenka Madaxtooyaddu maanta u akhriyey Warbaahinta Somaliland ku sugan ayaa isaga oo dhamaystiran waxa uu u dhignaa sidan:

“War-saxaafadeed

04 April 2019

Waxa jirta deyn Shirkadda GSK, ee uu mulkiilaha ka yahay Axmed Cismaan Geelle ka qaadatay Baanka Faransiiska ah ee BCI Mer Rouge, oo qayb ka ah Baanka kale ee Faransiiska ah ee BRED, kaas oo farac u ah Baanka Caalamiga ah ee BPCE. Lacagtaas waxay shirkadda GSK ku qaadatay maalgelinta Warshadda Coca-Cola oo laga dhisay Dalka Somaliland.

Mulkiilaha Shirkadda GSK, Axmed Cismaan Geelle, wuxuu qaatay deyntaas isaga oo ah muwaadin reer Djibouti ah, haystana dhalasho Djibouti ah, muddo ka dibna wuxuu u soo wareegay, soona dagay Somaliland.

12-kii bishii March, 2018, waxa dalka yimid Agaasime Ku-xigeenka Baanka weyn ee Faransiiska ah ee BRED, oo ah baanka iska leh faraca baan ee BCI Mer Rouge iyo Agaasimaha Guud ee faraca baanku ku leeyahay dalka Djibouti Mr. Nadhir Zouaghi. Labada Mas’uul ee ka socda Baanankaa Faransiiska ahi waxay sheegeen in ay lacag deyn ah oo dhan 20 Milyan oo doolar ku leeyihiin Shirkadda GSK iyo Mulkiilaha Shirkaddaasi Axmed Cismaan Geelle.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland waxa uu u saaray arrintaas guddi ka kooban Wasiirkii hore ee Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah Dr. Sacad Cali Shire, Guddoomiyihii hore ee Baanka Dhexe ee Somaliland Maxamed Cabdi Ibraahin iyo Taliyaha Booliiska Somaliland Cabdillaahi Fadal Iimaan. Baankaa Faransiisku waxa uu codsaday in lacagta deynta ah Shirkadda GSK u bixiso sida uu dhigayo heshiiskii deynta oo ah in hafto lagu bixiyo.

Mulkiilaha Shirkadda GSK Axmed Cismaan Geelle, waxa uu qirtay deynta Baanka Faransiiska ahi u sheegtay, balse waxa uu ku dooday in lacagtiisa iyo hantidiisa qayb ka mid ahi kaga xayiran tahay Dalka Djibouti oo aanu khilaaf soo kala dhex-galay Dawladda Djibouti darteed u tagi karin. Sidaa daraadeedna, waxa uu ka gows-qabsaday in uu aqbalo in uu lacagta deynta ah u bixiyo si hafto ah, sida uu heshiisku ahaa, baanka Faransiiskuna uu dalbaday.

Madaxtooyadda Somaliland Maxay Ka Tidhi Arrinta Ganacsade Axmed Cismaan Geelle
Afhayeenka Madaxtooyadda Somaliland, Maxamuud Warsame Jaamac

15-kii bishii February, 2018, waxa dalka yimi Safiirka Dalka Faransiiska u fadhiya dalka Kiiniya, Ambassador Antoine Sivan,oo sita go’aannada Maxkamadaha dalalka Faransiiska iyo Djibouti ee la xidhiidha arrinta daynta Baanka Faransiiska ahi ku sheegaynayo Mulkiilaha Shirkadda GSK, Axmed Cismaan Geelle. Waxa kale oo uu sheegay in ay dacwac ka dhan ah Shirkadda GSK u gudbiyeen Booliska Caalamiga ah ee INTERPOL.

Xukuumadda Somaliland waxa ay ku dooday in ay fulin karto oo kaliya garta lagu qaado Maxkamadaha Somaliland, maadaama Ganacsade Axmed Cismaan Geelle hadda yahay muwaadin reer Somaliland ah, go’aammada maxkamaha dalalka Faransiiska iyo Djibouti ka soo baxayna ay iyaga u gaar yihiin. Balse Safiirka Faransiisku waxa uu ku dooday in Axmed Cismaan Geelle yahay muwaadin reer Djibouti ah, daynta baanka Faransiiska ahna uu qaatay isaga oo ah muwaadin reer Djibouti ah.

Noqo kan ugu horeeya ee hela xog – Ku Biir Boggayaga Twitterka

Dood dheer kadib, waxa la isla qaatay in dacwadda daynta lagu qaado maxkamadaha Somaliland, iyada oo haba-yaraatee wax tixgelin ah la siinin go’aamadda ka soo baxay Maxkamadaha dalalka Faransiiska iyo Djibouti midna. Waxa in badan lagula taliyey Ganacsade Axmed Cismaan Geelle in lacagta daynta ah iska bixiyo mar hadduu qiraal yahay. Balse ganacsaduhu arrintaa wuu ka cajiiday.

Sidaas darteed, Baankii Faransiiska ahaa wuxuu qabsaday Looyar reer Somaliland ah, kaas oo uu bilaabay in uu soo diyaarsado qoraallada iyo waraaqaha la xidhiidhaha dacwadda daynta Baanka Faransiiska ahi ku sheeganayo Ganacsade Axmed Cismaan Geelle. Sida curfiga Caalamiga ahi dhigayo, waxa dhammaan waraaqaha Looyarku keenay ee ka soo baxay Dawladaha dalalka Faransiiska iyo Djibouti uu soo mariyey Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah iyo Wasaaradda Caddaalada Jamhuuriyadda Somaliland si loo hubiyo in waraaqahani si rasmi ah uga soo baxeen dawladaha iyo hay’adaha dawliga ah ee ay magacooda sitaan. Waana hab Caalami ah oo loo xaqiijiyo qoraallada iyo waraaqaha iskaga gudbaya Dawladaha.

Nasiib-daro, Mulkiilaha Shirkadda GSK ee daynta loo sheeganayo, Axmed Cismaan Geelle, waxa uu qaaday tallaabooyinkan:

  1. Waxa uu si sharciga baal-marsan uga soo qaatay qoraallada iyo waraaqaha arrinta dacwadda daynta lagu sheeganayo khuseeya Wasaaradaha Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah iyo Wasaaradda Caddaalada. Talaabadaas oo ah gef sharci.
  2. Qoraalladaa iyo waraaqahaa waxa uu u gudbiyey, kuna abaabulay si beelaysan madax-dhaqameedyo war-moog ah.
  3. Wuxuu ka been sheegay qoraallada iyo waraaqaha uu ka soo qaatay labada Wasaaradood ee kor ku xusan ee ku saabsanaa dacwadda daynta lagu sheeganayo ee ku socday Maxkamadaha Somaliland, waxaanu ugu sheegay odayaasha dhaqanka in waraaqahaasi yihiin Waaran lagu qabanayo Ganacsade Axmed Cismaan Geelle.
Madaxtooyadda Somaliland Maxay Ka Tidhi Arrinta Ganacsade Axmed Cismaan Geelle
Mulkiilaha Shirkadda GSK, Axmed Cismaan Geelle

Arrintaasi waxa ay abuurtay bulaan iyo caadifad beelaysan. Waxaanu u Mulkiilaha Shirkadda GSK, Axmed Cismaan Geelle ka doortay in uu sharciga ka talaabsado, beelo abaabulo, dalkana nabad-gelyadiisa isku dayo in uu khal-khal galiyo, Somaliland-na indhaha Caalamka ku soo jeediyo, una ekaato meel lagula soo gabado hantida iyo lacagaha laga soo dhaco Baananka adduunka.

Ganacsade Axmed Cismaan Geelle waa og-yahay, waanu qirtay in hantida iyo daynta loo sheeganayo lagu leeyahay, Booliska Adduunka ee INTERPOL -na raadinayo.

Haddaba waxanu  u caddaynaynaa dadweynaha Somaliland in dawladdu u dadaashay Shirkadda GSK iyo Mulkiilaheeda Axmed Cismaan Geelle in ay ilaaliso xaquuqdiisa iyo hantidiisa, sida muwaadiniinta kaleba loo ilaaliyo hantidooda iyo xuquuqdooda, waana waajib dawli ah.

Dawladda iyo Shacabka Somaliland waxa ay raadinayaan ictiraaf Caalami ah, waxaanay iska ilaalinayaan wax kasta oo u ekaysiinaya dalka Somaliland meel aanay ka jirin shuruuc iyo kala dambayn, lagulana soo dhuunto hantida iyo xoolaha umadaha kale ee adduunka laga soo dhaco.

Allaa Mahad Leh.’

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.