WorldRemitAds

Berbera, Somaliland, September 1, 2016 (Saxafi/VOA English) – Xukuumadda Somaliland ayaa hiigsaneysa in adeegyadda dekadda magaalada Berbera la saddex laabo. Islamarkaana doonaysa inay kor u qaaddo dhaqaalaha dalka iyo mandaqada Geeska Afrika sida ay sheegeen maalqabeenada maalgashiga sameynayaa.

Haseyeeshee, dadka naqdiya maalgashigan ayaa tilmaamaya in aan tafaasiil buuxda laga bixin heshiiskan  guud ahaan iyo gaar ahaan saamaynta uu ku yeelanayo Kalluumaysiga xeebta dalka iyo nolosha shaqaalaha.

Warbixin uu qorey wariye ka tirsan wakaalada wararka ee dalka Maraykanka ee VOA English ayaa lagu sheegay in dekadda Berbera oo ku taala dalka Somaliland ay saldhig u tahay Kalluumaysiga iyo ganacsiga  in ka badan kun sanadood, maadaama ay ku taallo koonfurta gacanka Cadmeed ee badda Cas, waxaana sidoo kale bishii ina dhaaftay ee August ay golaha wakiillada Somaliland ay ansixiyeen heshiis qabyo ahaa oo xukuumadda Somaliland la gashay shirkada maalgashiga ee DP World, inkastoo dhamaystirka  heshiiskaasi wali socdo. “Horumarinta dekadda Berbera waxa ay fursad siinaysaa in aanu tartan la galno dekaddaha nala jaarka sida dekada dalka Jabuuti, waxaanay sidoo kale ay keenaysaa in aanu bixino adeegyada kala duwan ee ay dalalka ku xeeran ee gobolka Geeska Afrika u baahan yihiin.” Sidaana waxa yidhi wasiirka wasaarada arrimaha dibadda Dr. Sacad Cali Shire.

SomlegalAds

“Horumarinta dekadda Berbera kuma koobnaanayso Somaliland iyo Somalia oo keliya waxa ay gaadhaysaa dhamaan dalalka aan bada lahayn sida Itoobiya, konfurta Suudan iyo kuwa kale ee la midka ah” ayuu yidhi wasiirka arrimaha dibada Somaliland.

Maxamed Sicid, oo ka mid muwaadiniinta kalluumaysatada ah oo in ka badan 18 sanadood ka shaqaysaneyey magaalada Berbera, ayaa si weyn usoo dhoweeyey  isbedelada la soo bandhigay. “Waxa aanu rajeynaynaa in kalluumaysatada ka shaqeysta magaalada Berbera in ay helaan fursado kala duwan oo badan, waxaana ka mid ah horumarinta qaab-dhismeedka, iyo sida ay kalluumaysatadu u soo kalluumaystaan, tobabaro, qalabka Kallumaysiga, Laashashka iyo waxaas oo  dhan ay ka helayaan shirkadda DP World” sidaana waxa yidhi Maxamed Siciid oo ka mid ah kalllumaysatada magaalada Berbera ee gobolka Saaxil.

Dhinaca kale, wefti ka tirsan xukuumadda Somaliland ayaa si qarsoodi ah ugu ambabaxay madaarka calaamiga ah ee Cigaal ee magaalada Hargeysa maaliniti doraad, iyagoo ku sii jeeda dhinaca iyo magaalada Dubai ee Isu-taga Imaraadka Carabta oo la filayo in ay la kulmi doonaan masuuliyinta shirkadda DP World.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.