WorldRemitAds

Hargeysa, Somaliland, September 1, 2016 (Saxafi) – Siyaasiga Ismaaciil Maxamuud Hure Buuba ayaa sheegay in heshiiskii Somaliland iyo Somalia ee ay ku midobeen sanadkii 1960-kii uu madaxweyne Xasan Sheekh Maxamud uu tuuray.

Ismaaciil Maxamuud Hure Buubaa ayaa sheegay inuu heshiishkii midowga ee Somaliland iyo Soomaaliya u dhexeeyey uu jabiyey Maxamed Siyaad Bare, halka uu madaxweynaha imika ee Xasan Sheekh-na u tuurayba.

Sidaas waxa uu ka sheegay Ismaaciil Hure Buubaa qoraal uu shalay soo dhigay ciwaankiisa barta bulshadu ku kulanto ee Twitterka oo uu ku baahiyay qoraal yar oo uu ku sheegay in heshiiskii labada wadan ee Somaliland iyo Somalia sanadkii 1960-kii mideeyay ka dib markii labada dowladood xornimadoodii ka qaateen dawladihii Isticmaarka ee Ingiriiska iyo Talyaaniga uu meesha ka baxay, waxana qoraalkiisu uu u dhignaa sidan “Xeerkii Midowga sanadkii 1960-kii ee u dhaxeeyay Somaliland iyo Somalia ayaa waxa adhaxda ka jabiyay xukuumaddii militeriga Maxamed Siyaad Barre sanadkii 1977, laakiin, ugu dambayntii waxa tuuray madaxweyne Xasan Sheekh sanadkii 2016. ”

SomlegalAds

Ismaaciil Hure Buubaa ayaa ahaa siyaasi ruug cadaa ah oo in badan aaminsanaa riyadda Midnimadda, waxaanu xilal kala duwan ka soo qabtay Soomaaliya, haseyeeshee imika oo uu soo waayo arkay ayuu dib ugu soo noqday wadankiisii hooyo ee Somaliland, inkastoo dadka qaar sheegayaan in ugu danbeyntii ay isku dhaceen maamulka Soomaaliya, waqti badan oo uu xil la’aan sugayayna aanu midho dhalin, taasina keentay inuu goosto soo laabashada si uu iskaga nasto oo siyaasaddana uga fadhiisto. In kasta oo aanu isagu taas cadayn.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.