WorldRemitAds

Hargeysa, Somaliland, September 1, 2016 (Saxafi) – Maayarka Caasimadda Hargeysa Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid Soltelco ayaa  shalay hiirtii waaberi abaaro shantiii subaxnimo hawlo shaqo u tagay xarunta weyn ee Wershadda Asphalt Plant-ka iyo Karasharka dawladda hoose ee Hargeysa, wershaddaas casriga ah ee wadooyinka loogu tallo galay oo shalay tijaabaddii u horeysay soo saartay, isla markaana wax weyn ka tari doonta wadooyinka caasimadda, taas oo laga hirgaliyey duleedka galbeed ee magaaladda Hargeysa.

Warshadan wadooyinka oo dhowaan dawlada hoose ee Hargeysa taariikhdda markii ugu horaysay soo iibsatay ayaa   la tijaabiyey waxaanay soo saartay wax soo saar ay ka mid yihiin Daamurkii oo ay isku walaaqday iyo Jayga qaybihiisa kala duwan, kaasi oo ahaa dhawr nooc qayb buddo ah, qayb yaryar iyo qayb qururux ah oo hal mar afar qaybood u kala shubaysay.

Sidoo kale, shaqaalaha warshadan Laamiyadda ayaa shaqadda bilaaba shanta subaxnimo, waxaanay taasi keentay dadaalka badan ee wakhti gaaban lagu dhaqaajiyey warshadan oo reer Hargeysi baahi weyn u qabeen, waxaanu Maayarka Caasimaddu ugu bushaareeeyey dadweynaha reer Hargeysa inay dhowaan Hargaysi hilaaci doonto, isla markaana laga hirgalin doonno wadooyin tayo sare leh.

SomlegalAds

Sida ay Shaqaalaha xaruntan warshadda wadooyinku taallaa noo sheegeen in habeen kasta sagaalka habeenimo maayarka Caasimadddu ka rawaxo si loo dadajiyo wax soo saarka iyo dhamaystirka qalabkan casriga ah, taasi oo ku tusaysa sida uu maayarku heegan ugu yahay  sidii caasimaddu u noqon lahayd mid la tartanta caalamka sida ay ka markhaati fureen masuuliyiintii madasha joogtay ee ay ka mid ka ahaayeen Xildhibaanadda iyo xoghayaha fulinta ee dawladda.

Xildhibaan Cabdicasiis Aadan Habane (Cabdicasiis Siisto) oo isagu golaha deegaanka Hargeysa u qaabilsan Goobta Wershadda Waddooyinka Casriga ah (Naas Abaarso Site) ayaa  sheegay in tijaabaddii u horeysay ay soo saartay, isla markaana dhowaan la bilaabi doono wadooyinkii ay reer Hargeysa u baahnaayeen, isla markaana Hargeysi la tartami doonto wadamadda caalamka, isagoo arrintaasi ka warbixinaya waxa uu hadalkiisa ku bilaabay “Waa qalab casri ah oo isku dhamaystiran oo ay ku jiraan warshaddii walaaqaysay Daamurka, iyo warshaddii Jayga qaybihiisa kala duwan samaynayey, waana qalab waligii aan dalka iman haddii ay tahay dawladihii hore ee Soomaaliya iyo Somalilandba intii ay jirtay qalab noocan oo kale ah waligii dalka ma iman, waxaana muddo gaaban ku samayn doontaa wadooyin badan, wixii sanaddo badan laga sugayey dawladda hoose inay muddo gaaban ku qabato mar haddii ay haysato qalabkii iyo shaqaale u tobabaran,waxaana maanta tijaabinay wax soo saarkeedda, iyadoo bishan gudihiisa aanu  bilaabi doonno wadooyinka Caasimadda, imika waxaad arkaysaa asfal balaankii oo Jaygii laga soo gurayo loona geynayo qaybtan oo isku dari doonta, ilaahayna wuu nala qabtay anaguna waanu dadaalnay, xaruntan shaqaalaha ka shaqeeyaa waxay shaqadda galaan shanta subaxnimo, meel wadanka shanta subaxnimo ilaa shanta galabnimo la shaqeeyaa ma jirto, waana talaabo muhiim ah waana dadaalka aanu doonayno in muddo gaaban caasimaddu isku bedesho, saaka Maayarka iyo xoghayuhba waxay joogeen shantii subaxnimo oo  shaqaalaha mar la wada yimaadeen, waxaan doonaynaa inay dhaqan noo noqoto shaqada wakhtigaasi la bilaabayaa”.

Agaasimaha arrimaha bulshadda iyo bilicda casimadda Khadar Yuusuf Cali oo isna halkaasi ka hadlay ayaa yidhi “Waa wax qabad la taaban karo oo la qabtay, aniga farxad weyn bay ii tahay markaan arkay warshadan dhan oo tijaabaddii u horeysay wax soo saar wanaagsan soo saartay, waxaana hawsha  xooga saaray maayarka maayaradda iyo guddda fulinta ee la shaqeeya, waxaana shacabka leeyahay waxaad sugtaan uun waa wadooyinkii Roogga ahaa oo bilaabma”

Xoghayaha fulinta dawladda hoose ee Hargeysa, Axmed Darajo oo isna halkaasi ka hadlay ayaa yidhi “Farxad weyn bay noo tahay in qalab casri ah oo wadanka naadir ku ah aanu tijaabino, waxaanay inoo sahlayaan in wadooyin badan oo tayo badan aan dhisano, waxaana hawsha iyo fikradeeddii lahaa maayarka Caasimadda, tijaabaddii u horeysay ee maanta la bilaabayna ayaana ku tusaysa wax lagu farxo, golahan deegaanka ee Maayarka Caasimadda Hogaaminayaa waa golihii u horeeyey ee qalab noocan oo kale ah dalka keena, kuwii ka horeeyey iyo kuwo ka dambeeyaa ma filayo inay arrin noocan oo kale ah ka fikiri karaan, hormoodkaasi iyo kaalintaasi mugga leh waxa ku hogaaminayey maayarka Caasimadda, waxaanu horseed u noqday inay caasimaddu la tartanto caalamka, waana guul usoo hoyotay dawlada hoose ee Hargeysa, dib dambana loo arki maayo wadooyin burbura iyo wadooyin la dil dilaaca”.

Maayarka Caasimadda Hargeysa, Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid Solteko, ayaa shacabka reer Hargeysa ku guubaabiyey inay la shaqeeyaan warshadan, isla markaana taageeraan si Hargeysa ula mid noqoto caalamka, waxaanu usoo jeediyey in kharashaad badan ku bixi doono warshadan, sidaas darteed loo baahan yahay in la gacan qabto.

Maayarka Caasimadda ayaa sheegay in hadda ay joogaan shaqaale loo tobabaray oo ku filan, isla markaana shaqadda bilaaba shanta subaxnimo oo ay adag tahay in la shaqayn karo dhaxanta badan ee goobtan ka dhacaysa, waxaanu hadalkiisa ku bilaabay sidan “Maanta waa maalin taariikhi ah, maanta oo ay tahay August 31,2016 waxaanay tijaanbinay warshaddii Jayga iyo tii Daamurka walaaqaysay, warshadii oo dhana waynu tijaabinay, waynu arkaynaa wax soo saarkeeddii iyo sida ay Daamurkii u hagaajinayso ama iskugu walaaqayso iyo sida jaygii u habaynayo oo noocyo kala duwan uga samaynayso, waxaan u mahad naqayaa Injineeradda iyo shaqaalaha inta ay afarta habeenimo kacaan shanta subaxnimana shaqadda bilaabaya, waadiga arkaya waa lixdii subaxnimo dhaxan badan baa jirta hadana waadigaa arkaya inay iyagu dhididku ka da’ayo, dadkii kalena dhaxan fadhiyi kari laayihiin, waxaan leeyahay dhamaan shaqaalaha iskugu jira Injineero, dirawalo, askar iyo farsamo yaqaanaba aad baan idiinku mahad naqayaa sida wanaagsan ee wadankiina ugu shaqaynaysaan”.

Maayarka oo la dardaarmaya shacanka reer Hargeysa waxa uu yidhi “Waxaan leeyahay dadweynaha wixiii aad inta badan sugayseen way dhamaadeen, waxaana hadda laga bilaabo soo baxaya waa wax soo saarkeeddii mar haddii la tijaabiyey wax hadhsani ma jirto, waxaan leeyahay shacabyahow gacantaadii ayaa hadhay, anagu intii aanu dadaali lahayn waanu dadaalnay, laakiin wax soo saarku marka uu bilaabmo wuxuu u baahan yahay lacag badan, haddii ay daamur noqoto, haddii ay Shiidaal noqoto iyo waxyaalaha kale ee loo baahan yahayba waa la idinka sugayaa, haddii ay cashuur tahay iyo haddii ay qaadhaan tahayba, waa haddii aad jeceshahay inay caasimadaadu u horumarto, waxaanan halkan mahad weyn uga jeedinayaa madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo oo marka tijaabadani dhamaato furi doonto haddii alla yidhaahdo, dhiirigalin iyo in hawshan aan libin laabana nagula garab taagan, shacabkana waxaan leeyahay qaybtiinii ayaa hadhsan ee u diyaar garooba”.

Si kastaba ha ahaatee, warshadan cusub ee agabkii wadooyinku u dhamays tiran yihiin ayaa la filayaa inay wadooyinka caasimadda kor u qaado, isla markaana laga dhigo doono wadooyin wada ruug ah oo muddo gaaban caasimaddu isku bedesho wadda laami.

Waa markii ugu horeysay oo qalab noocan oo kale ah ay dawladdi soo iibsato, isla markaana waxay noqonaysa mashruucii ugu balaadhnaa ee golaha deegaanka Caasimaddu ka hirgaliyaan wadanka.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.