WorldRemitAds

Ceel-Afweyn, Somaliland, September 01, 2016 (Saxafi) – Dagaal kooban ayaa laba beelood oo walaalo ah mar kale ku dhexmaray deegaanka Dogoble oo ka tirsan Degmada Ceel-afwayn ee Gobolka Sanaag.

Wararku waxaa ay sheegayaan in labadan beelood ay yihiin kuwo dhawaan diriri Ku Dex martay deeganka Bocaha ee isla degmada Ceel Afweyn. Iyagoo haatana isku jiidhay deegaanka Dogoble oo warku sheegay in uu qiyaastii 60 km, dhinaca koonfureed kaga began yahay dagmada Ceelafweyn,.

Wararku waxaa ay tilmaameen in shaqaaqadan loo gurmaday sidii loo damin lahaa, haatana ay degmada Ceel-afwayn safar ugu baxeen wafti wasiiro ah oo uu hogaaminayo wasiirkii hore ee arimha gudaha Cali Maxamed Waran-cadde isaga oo hore u waday dhex-dhexaadin iyo dedaal nabadeed oo laga dhex dhaliyo beelahan diriraya, iyada oo guddi cuqaal iyo salaadiin ka kooban loo saaray xalinta shaqaaqadaasi ka  dhacaday deegaanka Bocaha, balse iyada oo ay wali socoto xalinta shaqaaqadi hore ayaa haddana shalay shaqaaqadan kale ee loo gurmaday dhacday.

SomlegalAds

Deegaanka Dogoble ayaa waxa wararku sheegayaan in laga dareemayo sansaan colaadeed,wallow sida wararku sheegayaana uu sababay khasaare aan la shaacin wali.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.