WorldRemitAds
Berbera, Somaliland, March 06, 2016 (Saxafi) – Taliyaha Ciidamada Booliska Somaliland General Cabdilaahi Fadal Iimaan ayaa sheegay in ciidamadda amaanku ku guulaysteen saddex eedaysane oo ka hadhsanaa koox lagu tuhmay dilka Taliyihi Qaybta Boliska Ee Gobolka Saaxil Marxuum Cabdirisaaq Casayr.

Ciidanka amaanka oo ku daba jiray, isla markaana baadi doonayay saddaxdan qof oo ka hadhsanaa eedaysanayaashan oo 11 xubnood lagu sheegay horena sidDeed ka mid ah loo soo qabtay, ayaa ku guulaystay inay soo qabtaan saddexda eedaysane.
Taliyaha Booliska oo arrintan xalay ka hadlay ayaa cadeeyay inay qabteen eedaysanayaashan. “Ilaahay ayaa Mahadleh, mar labaadka ciidanka Booliska iyo Qaranka Somaliland guud ahaan ayaa galay hawl-gal culus oo ciidanka Boolisku hoggaaminayay iyo ciidamada kale ee Qaranka oo taageerayay. Ciidanku muddadaas kama ay fadhiisan hawl-galada iyo dabagalka ay ku hayeen gacan ku dhiiglayaasha sida xaqdarada ah u dilay taliyihii Qaybta Boliska Gobolka Saaxil. Hawl-galku wuu balaandhan yahay waana lagu daba socdaa cid kasta oo kiiskaasi gallo. Maanta (Shalay) abaara shantii galabnimana, waxaanu ku guulaysanay in aanu qabano saddex ka mid ah eedaysanayaashii la raadinayay, ” ayuu yidhi Taliyaha Booliska oo ku sugnaa waqtiga uu waraysiga bixinayay magaalada Berbera.
Taliye Fadal waxa kale oo uu intaas ku daray in falkan boolisku baadhis balaadhan ku waddo, isagoo tilmaamay in aan hawlgalkani dhamaan weli.
“Weli waxaa jira xubno la raadinayo oo lagu raad-joogo maadaama falku ahaa mid abaabulan cid kasta oo si uun ugu lug yeelatay waa la qaban doonaa, ”ayuu yidhi Taliyaha Bileyska Somaliland, Cabdillaahi Fadal Iimaan.
Falkan ayaa halis galiyay ammaanka guud ee Qaranka Somaliland, kaas oo markii ay ciidamada ammaanku si adag uga hawl-galeen isla markaana ku guulaysteen inay dableydaas gacanta ku soo dhigaan oo iyadoo aan wax khasaare nafeed ahi ka dhicin qabashadooda.

SomlegalAds

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.