WorldRemitAds
Hargeysa, Somaliland, March 6, 2016 (Saxafi) – Wada Hadalo ayaa shalay si rasmi ah ugu furmay xubno ka mid ah kooxdii Isbahaysiga ee ka cadhooday xisbiga KULMIYE iyo Xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI, kaas oo la sheegay inuu la xidhiidho sidii ay kooxdaasi ugu biiri lahaayeen.

Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee WADANI Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro ayaa isagu ka hadlay kulan uu shalay la yeeshay isbahaysiga dimuqraadi doonka xisbiga Kulmiye ee wada hadal uga furmay magaaladda Hargeysa.
Isbahaysiga xisbiga KULMIYE oo beryahan u dambeeyey indho indhaynayey labadda xisbi mucaaradkii hadba ka ay masiirkoodda ku aamini lahaayeen ayaa shalay kulankii ugu horeeyey ee kuwo doodi lahaayeen la yeeshay xisbiga WADANI masuuliyiintiisa.
Xisbiga WADANI ayaa isagu sheegay in kulankii koowaadba u gudbiyey fariinta xisbiga WADANI isla gartay inay ibo fur u noqdo wada hadalka labadda dhinac, isla markaana u cadeeyey hadafka ay ka leeyihiin inay isbahaysigu ku soo biiro si ay ula xoojiyaan kaalinta mucaaradnimo iyo sidii xisbigooddu ula gaadhsiin lahaayeen kursiga madaxweynenimo iyo sidiii Madaxweyne Siillaanyo ugala wareegi lahaayeen kursigiisa.
Gudoomiyaha  xisbiga Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro oo ugu horeyn ka hadlaya kulanka dhexmaray labadda dhinac, waxa uu yidhi “Kulankii ugu horeeyey ayuu ahaa, fariinta aanu gaynay waxay ahayd go’aan xisbigu gaadhay oo ah in si rasmiya loola bilaabo wada hadalka isbahaysiga garabka xisbiga KULMIYE, siyaasiyiin miisaan leh oo faro badan ayaanu ugu tagnay halkaas, fariintii waanu gaadhsiinay, waxaanan isla qaadanay inaanu si rasmiya u bilawno wada hadalka noo dhaxeeya. ”
Xisbiga WADANI waxa kulanka ugala qaybgalay hoggaanka xisbiga, halka isbahaysigana ay hor kacayeen wasiirkii hore Madaxtooyada Xirsi Cali Xaaji Xasan, wasiirkii hore ee Cadaaladda Xuseen Axmed Caydiid iyo xubno kale.
Xubnahan isbahaysiga xisbiga Kulmiye la magac baxay ayaa damacsan inay helaan madal ay sal dhigaan oo ay fursad ugu helaan mucaaradad dhab ah, waxaanay hore ula kulmeen xisbiga mucaaradka ah ee UCID, haseyeeshee, wax laga dhursugaya waxay xisbiyadda mucaaradka ah ku heshiiyaan maadaama oo ay xubnahan ku jiraan siyaasiyiin han leh oo mustaqbalka doonaya xisbi ay iska soo sharaxaan, haddii ay taasna waayaan waxa suurogal ah inay xisbigii hore dib ugu soo noqdaan.

SomlegalAds

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.