WorldRemitAds
Dawladda iyo Shacbiga Somaliland ayaa weli sii xusuusan naxdintii iyo argagixii ka dhashay dilkii Gobolka Saaxil loogu geystay taliyihii qayabta Booliska ee Gobolkaas Gaashaanle Cabdirisaaq Maxamed Caseyr, kaasoo koox budhcad ahi ku weerartay meel Bariga ka xigta Magaalada Berbera.

In kastoo dilkani aanu ahayn kii u horeeyay ee loo geysto sarkaal ka tirsan ciidamada amniga ee dalka, hase yeeshee waxa u ahaa mid lagu qiyaasi karo inuu ka mid ahaa kuwii ugu xanuunka iyo saamaynta badnaa ee ka dhasha dil loo geysto sarkaal ka tirsan ciidamada Booliska, kaasoo ama marxuumkaasi oo jimcihii Aas qaran loogu sameeyey Magaalada Berbera.
Saddex maalmood oo meydka marxuumkaasi ku jiray talaagad ayaa dhinaca kale waxa sii xoogeysanayey xiisado beeleed iyo kuwa siyaasadeed oo khatar geliyey amniga dalka, bannaan baxyo ka dhashay cadhada dilka marxuumkaasi. sidoo kale, waxaan seexan masuulyiintii dawladda ee uu horkacayey Madaxweyne ku xigeenka haatan Cabdiraxmaan Saylici iyo ciidamada kala duwan, kuwaasoo ku mashquulsanaa sidii loo aasi lahaa marxuumkaasi isla markaana gacanta loogu soo dhigi lahaa eedaysanayaasha loo haysto inay toogteen, kuwaasoo badi la soo qabtay gacantana ugu jira dawladda. Waxana aakhirataankii aas qaran oo marxuumkaasi loo sameeyay iyo qabashada eedaysanayaasha badankoodu, labadii maalmood ee u dambaysaba dejiyay xaaladii taagnayd.
Haddaba, marka la eego sida dawlad iyo shacbiba ay ugu ambabareen ugana naxeen dilka Taliyihii hore ee Booliska Saaxil marxuum Caseyr iyo dhibaatada ka dhici gaadhay ayaa cid kastaa maanta dib u eegeysaa wixii dhacay saddexdaa maalmood, isla markaana sidii looga hortegi lahaa inay dhacaan dilal noocan oo kala ahi ayaa loo baahan yahay in folowgeed la gallo.
Hadii aan wax yar ka soo qaadanno fikradaha iyo dareenada shacbiga iyo maxuuliyiinta dawladdu maskaxda ku qabteen, xiisadaha iyo ficilada soo baxay ee laga kor dhsaday dhacdadan ayaan kasoo qaadan karraa dhawr qodob oo kala ah
  1. Sida amniga dalkan iyo dawladnimada uu khalkhal u gelin karo qof shicib ah oo sharcigii dalka iyo qori gacanta ku qaatay
  2. Sida qabyaaladda iyo gobolaysigu saamayn ugu leedahay dawladnimada iyo sida qaar ka mid ah Hogaamiye dhaqameedyada siyaasiyiinta iyo masuuliyiinta dawladdu aanay shacbiga uga duwanayn marka xaaladdan oo kale dhacdo.
  3. Sida mucaaradka xukuumaddu uga faa’iideystaan dhacdadan oo kale eedeymo la xidhiidha dhacdooyinka noocan oo kala ahna dusha ugu saaraan xukuumadaha.
  4. In Fullinta sharcigu tahay xalka keliya ee dalkan lagu hogaamin karo amnigiisana lagu sugi karo
  5. Sida cid kastoo Somaliland dawladnimadeeda diidani ugu faraxdo xaaladahan oo kale
  6. Sida argagixisadu ugu soo dhuuman karto falalkan oo kale iyo ugu dambayantii sida loogu baahanyahay in shacbiga iyo ciidamaddu u midoobaan amaanka, iyo sida aan loogu baahnayn inay shacbiga iyo ciidamada amnigu colloobaan.

SomlegalAds

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.