WorldRemitAds

Hargeysa, Somaliland, February 18, 2019 (Saxafi) – Wasiirka arrimaha dibadda Somaliland Mudane Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir ayaa sheegay in aanay heshiisyo cusub oo dawladda Ruushka iyo Somaliland galayaan miiska saarnayn. Waxa uu sheegay in dawladda Ruushku 1970s si balaadhan u isticmaashay Berbera laakiin, hadda aanay Somaliland gacanta ku hayn heshiisyo cusub.

Noqo kan ugu horeeya ee hela xog – Ku Biir Boggayaga [wp-svg-icons icon=”twitter-2″ wrap=”i”] @Saxafi

SomlegalAds

Bishii October ee sanadkii 2017 waxaa casuumad ay ka heleen Ruushka ku tagay danjiraha Somaliland ee Jabuuti Cabdifataax Siciid Axmed iyo xubno wehelinayay oo xukuumaddii Siilaanyo ka tirsana. Waxa bookhashadooda ka sii horeeyay diblamaasiyiinta Ruushka ee Jabuuti fadhiya oo Somaliland yimid, islamarkaana bookhday magaalo marseedda Berbera, kuwaas oo indho indheeyay meelaha ku raadka leh Ruushka ee Somaliland.

Tan iyo bookhashada weftiga Ruushku ku yimid Somaliland 2017 waxa si weyn loo hadal hayay in dawladda Ruushku qorshaynayso in dib ugu soo noqoto Somaliland waxaana arrintan si weyn uga faallooday warbaahinta caalamiga ah iyo hay’addaha ku lugta leh falanqaynta siyaasadda caalamka.

Qaybta Afka Ingiriisida ee Warbaahinta Codka Maraykanka (VOA) ayaa wasiirka Khaarajiga Somaliland waydiisay xogaha la xidhiidha in Ruushku damacsan yahay in uu Somaliland ku soo laabto waxaanu ku gaabsaday “Ma jiro wada hadal rasmi ah iyo xidhiidh rasmi ah oo aanu arrinta (Saldhiga Ruushka) ka yeelanay.” Sidaas ayuu yidhi wasiir Faratoon.

Taa bedelkeeda waxa uu wasiir Faratoon sheegay in Somaliland ku naaloonayso xidhiidh wanaagsan oo ka dhexeeya Imaaraadka iyo Somaliland. Dekedda Berbera ayay maamusha shirkadda reer Imaaraad ee DP World oo saamiga u badan leh iyada oo Itoobiya laga siiyay saami dhan 19% horraantii sanadkii hore.

Heshiiska saddex geesoodka ahaa ee Itoobiya, Somaliland iyo Imaaraadka oo loo han weyna ayaa hadda u muuqda mid laydhiisu gaabisay. Waxa dhawaan hawlahooda soo gabagabeeyay urur ka shaqaynayay shuruucda iyo siyaasaddaha Somaliland ku wajahayso xidhiidhka ganacsiga ee Itoobiya maaddaama rajo weyn laga qabay dekedda Berbera hadda se aanay arrimahaasi sidii hore u firfircoonayn laakiin, xukuumadda madaxweyne Biixi waxay aamminsan tahay in xidhiidhka Hargeysa iyo Addis Ababa heer sare yahay.

Cismaan Sheekh Axmed la taliyaha dhaqaalaha ee madaxweyne Muuse Biixi ayaa VOA u sheegay in xidhiidhka dhanka ganacsiga ee Somaliland iyo Itoobiya yahay mid aad u fiican “Xidhiidhka ganacsi aad buu u xooggan yahay, waxaanu faa’iido u yahay Itoobiya,” Sidaas ayuu yidhi la taliyaha dhaqaalaha waxaanu intaas ku daray in Somaliland u dhoofiso Itoobiya sanadkii alaabooyin qiimahooda lagu qiyaasay lix boqol ilaa todobo boqol oo milyan oo dollar ($600-700 Million).

Dhinaca kale waxa ay wasiir Faratoon iyo la taliyaha dhaqaaluhu bishii November socdaal ku tageen Maraykanka halkaas oo ay diblamaasiyiin kula socodsiinayeen arrimaha Somaliland. Waxa uu wasiir Faratoon sheegay in ay jiraan dalal badan oo Somaliland danaynaya laakiin, Somaliland u baahan tahay taageero dhaqaale maaddaama citiraaf la’aantu caqabad ku tahay.

Waxa uu dhalliilay lacagaha ay dalal badan Soomaaliya siiyaan isaga oo tilmaamay in aanay arrintaasi ka soo baxayn natiijada ay doonayaan.

Dhawaan wasiirka maaliyadda Somaliland ayaa sheegay in shirkadda maamusha dekedda Berbera ay wada leeyihiin Somaliland iyo Imaaraadka oo kaliya. Waxa uu sheegay in aanay hirgelin saamiga Itoobiya “Saamiga waa run weynu ku heshiinay Itoobiya in aynu siino 5% qolada kalena (Imaaraadka) 14% laga jaro laakiin, kaasi waa nidaam socda weli shirkaddii labadeena uun baa leh inaga iyo Dubay,” Sidaas ayuu yidhi Wasiir Sacad.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.