WorldRemitAds

Moskow, Russia, March 27, 2018, (Saxafi) – Xarun cilmi baadhiseed oo Ruushka laga maamullo ayaa baahisay warbixin xassaasi ah oo la xidhiidha danaha murugsan ee laga leeyahay Guud ahaan gobolka Geeska Afrika, gaar ahaan Dekedda Berbera.

Evgeny Satanovsky

Warbixintan oo uu qoray Evgeny Satanovsky waxaa uu ku bilaabay xiisadda taxan Ethiopia, Sudan iyo Masar ee la xidhiidha isticmaalka Biyaha Niilka iyo saameynta waddamada Khaliijka iyo Turkiga, isaga oo xigganaya xoggo ay isku duween labada khabiir ee kala ah  . A. Bystrov iyo Yu. Schelgovin. Xogahaasi oo looga dan leeyahay in goor hore laga hor taggo mashaqo ka dhalan karta khilaafka Niilka. Taas ka sokow waxaa uu u daadegayaa danaha laga leeyahay Somalia oo bulshadda caalamku guud ahaan ama wadamada awooda is bidaa ku kala arragti iyo ujeed duwan yihiin.

SomlegalAds

Warbixinta oo aad ugu foggaatay dagaallada sirdoon iyo Dublamaasiyadeed ee gudaha iyo dibadda Sudan, waxaa ay u soo dhaadhacaysaa Somaliland iyo Somalia.

Warbixinta waxaa lagu sheegay in Madaxweynaha Somalia Maxamed Cabdillaahi Farmaajo uu qorsheeyay inuu maamul goboleedka Puntland gaar ahaan Garowe ku kordhiyo ama u qoro ciiddan dhan saddex kun oo Askari oo xukuumaddiisa hoos yimaadda, kuwaas oo uu doonayay inay weeraraan oo ay Puntland ku taageeraan inay qaybo ka mid ah Somaliland qabsato, gaar ahaan Gobolka Sanaag iyo Sool. Iyaddoo saddexdan kun loo badinayay In laga keeno taageerayaasha Khaatumo. Laakiin, arrintan waxaa dhabar jab ku noqday sidda warbixintu sheegtay heshiiskii dhexmaray Somaliland iyo Cali Khaliif Galaydh waxaana ay sii murgisay arragtidii uu ka qabay Farmaajo Somaliland iyo deegaanaddda Gobolka Sool iyo Sanaag ee uu hungurigu ka hayay.

Sidoo kale, waxaa xogtu sheegay in Farmaajo taageeradda ciidan ee uu Puntland la doonayay ugu tala-galay inay meesha ka saaraan xooggag islaamiyiin ah. Iyadoo ciidamadan warku sheegay in qaarkood loogu diray hawl-gallo jaha habaabin ah magaaladda Gaalkacayo.

Xogaha hay’adan cilmi baadhiseed ee Ruushku daabacday waxaa ay tilmaamayaan in Abaabulka Farmaajo ee ka dhanka ah Somaliland ay dabada ka waddeen damacyo ku waajahan Khayraadka Saliidda ee ku jira Goboladda Bariga Somaliland qaarkood. Waxaana la wariyay in Somaliland dhaqdhaqaaqyaddan ka war heshay. Islamarkaana ay hore ugu martay deegaanadda Tukaraq. Ka dib markii Farmaajo Wasiir u soo diray deegaanka Bariga Sanaag, isaggoo hawl-galadiisaas sii watta.

Xogtu sidoo kale, waxaa ay hoosta ka xariiqdday oo qoraalka ka mid ah in dagaaladda hore ee Barriga dhexe iyo Geeska Afrika hawl-gal ka mid ah uu Imaaraadku u daggayo Saldhigga ciidan ee magaaladda Berbera oo xogtani ku calaamadisay saldhigii hore ee USSR.

Warbixintu waxa ay tilmaantay in Isku dayadaas hore ee Farmaajo iyo difaacca Somaliland ka dib, uu ergeyga Qarmadda Midoobay ee Somalia M. Keating uu ku baaqay in arrimahan lagu dhameeyo wadda-hadal. Taas oo uu sheegay Machadku inuu diiday Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi oo ku adkaystay inay ciidamadiisu ku sugan yihiin gudaha dalkoodda.sidaas oo ay tahay ma jirin Iska hor imaad ciidan oo Somaliland iyo Somalia ku dhex maray xuduudka.  Midowga Yurub wuxuu isna isku dayay inuu dejiyo xaaladda oo aanay dhicin dagaallo xuduuda ahi.

Muuqaalka Ciidamadii Midowga Soofiyeti oo ku sugan Sadhiggii uu ku lahaa Berbera wakhti ku beegan 1977

Wadda hadaladii Hargeysa iyo Muqdisho oo joogsadday March 2015 ayaa la isku dayay mar kale in dib loo cusboonaysiiyo, iyaddoo Farmaajo iyo Biixiba ay soo dhaweeyeen. Waxaana la doonayay in dhamaaddka bishan uu Djibouti ka bilaabmo iyaddoo uu dhex-dhexaadinta qayb ka yahay Madaxweynaha Djibouti Ismaaciil Cumar Geelle. Ayna kaalmo muuqda ku leedahay xaruta xalinta dhibaatooyinka aadamiga ee Geneva. Waxana wadda hadalkan taageerayay Great Britain iyo Sweden,. Ka sokow Switzerland.

Turkiga ayaa warbixintu tilmaantay in loo arkay inaanu dhex dhexaad ka ahayn wadda hadalka, maadaama Ankara hawshan hore ugu jirtayna waa laga wareejiyay.

Khuburaddu waxaa ay aaminsan tahay in iska hor imaad hadda ka dhex dhaca Somaliland iyo Somalia uu keeni karayo khilaaf halis ah oo aan natiijaddiisa la saadaalin karrin.

Hawlahan ayaa Sucuudigu qayb ka yahay sida xogtu sheegtay waxaana Muqdisho doonaysaa inay qayb ka hesho maalgelinta, dhoofinta xoolaha iyo ruqsad bixinta khayraadka la doonayo in la soo saarro ee macdanaha ah. Warku waxaa uu sheegay in Somaliland muddo ku soo jirtay wadda-hadallada maal gelinta Dekedda Berbera iyo saldhigga ciidan ee magaaladaas, iyaddoo tartanka ay ku jireen France oo doonayay Saldhiga Millatariga Berbera ee hore Ruushku u lahaa, haatanse uu ku guulaystay Isu taga Imaaraadka Carabtu. Warbixintani waxaa ay muujisay in Ruusku uu walaac dhinaca shuruucda ah uga maagay inuu dib ula soo noqdo saldhigiisii Berbera oo sida ay warbixintu sheegtay ay Somaliland u soo jeedisay inuu Saldhigga kireysto. Laakiin, taas uu Faransiisku doonayay balse, waxaa Paris ka adkaatay Abu Dhabi. Ka dib markii Madaxweynihii hore ee Somaliland mudane Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo is faham dhexmaray sida xogtu tilmaantay.

Xogtu waxa ay tilmaantay in Sucuudigu uu u carab laalaadiyay Farmaajo isaga oo dhinaca kallena taageersan hawlaha uu waddo Imaaraadku,. Madaxweynaha Somalia waxaa arrimahani ku keeneen culaysyo iyaddoo Qatar dhinac dhaqaale kaga duduucaysay inuu ka hor yimaaddo xulufkii ka dhanka ahaa is bahaysiga Cuna-qabataynta saaray Qatar {Saudi Arabia, UAE, Masar iyo Bahrain.) arrimahani waxaa ay Somalia ku keeneen carqalad soo waajahday taageero dhaqaale oo uu dhinaca kale ka helli lahaa Sucuudiga iyo Imaaraadka. Waxaana ay murugani fursad siiyeen bay tidhi warbixintu madax-banaani Somaliland hesho oo uu ka dedaal geliyay Imaaraadku. Iyaddoo dhinaca kale Xulufaddani qayb ka qaadatay sida warbixintu muujisay xaaladaha ka ooggan Somalia ee dhinaca siyaasadda iyo Mooshinadda is barbar socda. Waxana Farmaajo weli ciyaarayaa kaadh wadaniyadeed si uu taageero uga hello shacbiga oo uu ku beer-laxawsado Soomaalinimo.

Dawladda Ethiopia ee Saamiga laga siiyay heshiiska dekedda Berbera ayaa warbixintu ku tilmaantay talaabbo adag oo immaaradku qaaday, iyaddoo khilaafka qayb ka noqotay Addis Ababa. Warbixintan waxaa ay ku doodaysaa in waddamada watta sharcinimadda Somaliland iyo heshiiska Berbera uu ka mid yahay Faransiisku, kaas oo warku sheegay inuu hore uga dhex ololeeyay midowga Yurub.

Muuqaalka Bogga Wargeys ka faaloodda Arrimaha Milateriga ee lagu daabacay warbixinta

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.