WorldRemitAds

Hargeysa, Somaliland, April 4, 2019 (Saxafi) – Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID ayaa ka hadlay Dacwad la sheegay in loo haysto Ganacsadaha reer Somaliland ee Axmed Cismaan Geelle, kaasi oo Bangi Magaciisu yahay BCIMR oo farac ku leh Djibouti uu sheegay inuu Lacag deyn ah ku leeyahay.

Noqo kan ugu horeeya ee hela xog – Ku Biir Boggayaga Facebook-ga

SomlegalAds

Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID ayaa Xukuumadda Somaliland u soo jeediyey inay mowqif adag iska taagto Qorshe Baanka BCIMR ku doonayo in Ganacsadaha Dacwad kaga furo Hargeysa, waxaanu UCID sheegay in sababta uu Baanku u daba socdo Ganacsaduhu tahay in Baanka uu 33% ku leeyahay Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle oo si gaar ah u beegsanaya Ganacsadaha.

Xoghayaha Warfaafinta ee Xisbiga UCID, Yuusuf Keyse Cabdillaahi oo shalay Shir-jaraa’id ku qabtay Magaalada Hargeysa, ayaa isagoo arrimahaa ka hadlaya wuxuu yidhi; “Xukuumadda waxaanu leenahay waxa la idinka rabaa inaad mowqif adag iska taagtaan Arrintaa Axmed Cismaan Geelle, waxa la idinka rabaa inaad iska taagtaan halkii Axmed Maxamed Siillaanyo markii uu Dalka xukumayey uu ka taagnaa, Annagu idinka aqbali mayno, shacabkuna idinka aqbali maayo inaad tidhaahdaan Dacwadda intaas oo  jaran-jaro ee soo martay Wasaaradda Arrimaha dibedda, Wasaaradda Cadaaladda, imikana la taalla Maxkamadda Rafcaanka aad tidhaahdaan ma ogin.”

Xoghayuhu waxa kale oo uu sheegay “Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland ayaa damaanad-qaaday ilaalinta Qofka Naftiisa iyo Maalkiisa, xeer ka sokeeya Dastuurku inuu jirana ha sheegin..” ayuu yidhi, waxaanu intaa sii raaciyey “Sidaan xogta ku hayno Baanka BCIMR waxa 33% waxa leh Madaxweynaha Jabuuti, waxa la inoogu sheegay inuu Madax-bannaan yahay, laakiin Qayb ayuu ku leeyahay Ismaaciil Cumar Geelle.”

Noqo kan ugu horeeya ee hela xog – Ku Biir Boggayaga Twitterka

Xoghayaha wuxuu wax lala yaabo ku sheegay in Bangi keliya uu daba-galo Ganacsadaha Somaliland, iyadoo ay jiraan illaa 7 Bangi oo kale oo uu xidhiidh la sameeyay “Axmed Cismaan Geelle, ugu yaraan 7 Bangi ayuu la macaamilay oo uu lacago deyn ah ka qaatay oo uu u celiyey, illaa imikana uu Macaamil ka dhexeeyaa, laakiin waxaanu la yaabbanahay sababta uu u daba socdo Baanka uu Madaxweynuhu sheerka u leeyahay, maxay baananka kale u qabsan waayeen hadduu Axmed Cismaan Geelle budhcad yahay…” ayuu yidhi

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.