WorldRemitAds

Muqdisho, Somalia, January 02, 2019 (Saxafi) – Xukuumadda Farmaajo iyo Kooxda Al-Shabaab ayaa weerarro kala duwan ku qaaday xarunta ay Qaramada Midoobay ka degan tahay Muqdisho iyo Sarkaalkeeda ugu sareeya.

Noqo kan ugu horeeya ee hela xog – Ku Biir Boggayaga Facebook-ga

SomlegalAds

Dawladda Soomaaliya oo u muuqata in ay deg deg uga jawaabeyso qoraal ka soo baxay wakiilka gaarka ah ee Qaramada Midoobey ayaa lagu sheegay inaan Nicholas Haysom dalkaas looga baahneyn.

Qoraalka oo ka soo baxay Wasaarradda arrimaha Dibedda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in dowladda Soomaaliya ku wargalineyso xoghayaha guud ee Qaramadda Midoobay in aan wadanka laga rabin, kana shaqeyn karin wakiilka Qaramada Nicholas Haysom.

Qoraalka ka soo baxay dawladda Soomaaliya ayaa daba joogay warqad wakiilka xoghayaha guud kaga  codsaday dowladda in ay jawaab deg deg ah ka bixiso wixii ka dhacay magaalada Baydhabo gaar ahaan xadhigga Wadaadka Mukhtaar Roobow Cali AbuuMansuur.

Faah faahin ayaa ka soo baxaya madaafiic hoobiyeyaal ah oo maanta lagu weeraray Xarunta Xalane oo Talis u ah Ciidanka AMISOM, isla markaana ay ku yaallaan Xafiisyada Qaramada Midoobey iyo safaaradaha Ajnabiga.

Dhinaca kale, Sawirro la soo dhigay baraha bulshada ayaa muujinaya saameynta madaafiicda hoobiyeyaal ah oo shalay gudaha ugu dhacay xarunta Qaramada Midoobey ee UNSOM ku leedahay magaallada Muqdisho.

Illaa 7 madfac ayaa ku dhacay xarunta UN-ka, waxaa la sheegayaa in labo ruux oo shaqaalaha UN-ka ah na ay dhaawacyo ka soo gaadheen.

Noqo kan ugu horeeya ee hela xog – Ku Biir Boggayaga Twitterka

Wararka qaar ayaa sheegaya in mid ka mid ah Hoobiyeyaasha ku dhacay hoyga Ku xigeenka Wakiilka Qaramada Midoobey.

Madaafiicda lagu garaacay xarunta Xalane ayaa ku soo beegmay, iyadoo shalay loo dabaal degayo sanadka cusub ee 2019, isla markaana inta badan shaqaalaha UN-ka iyo kuwa kale ee Ajnabiga ay fasax yihiin.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.