WorldRemitAds

Waa Maxay Sababta Ruushku Ugu Baahan Yahay Inuu Xidhiidh La Sameeyo Somaliland? Waxa qoray Alexander Karpov

“Aqoonsi La’aan ta shisheeye ee madaxbanaanida Somaliland waa arrin weji gabax ku ah jiritaanka 4 milyan oo ruux”

Moko, Russia, September 1, 2019 (Saxafi) – Dawladdaha Ruushka iyo Somaliland ayaa la tilmaamay inay aad isugu baahan yihiin.

WorldRemitAds

Noqo kan ugu horeeya ee hela xog – Ku Biir Boggayaga   @Saxafi

Wakaalad Wareed Online ah isla markaana afka Ruushka wax ku qorta, lana yidhaahdo Regnum ayaa warbixin uu baahiyay shalay oo uu qoray Alexander Karpov ku tilmaamay in dawladda Somaliland dunida uga baahan tahay Ictiraaf iyo cid ka taageerta horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha sidoo kale dawlada Ruushku u baahan tahay inay saldhig muhiim ah ka hesho Marin biyoodka Mihiimka ah ee Badda cas oo aanay meel kale ka heli Karin.

Warbixinta oo aad u dheerayd isla markaana ku qornayd Luqada Ruushka oo aanu soo turjunay waxa ay tilmaamtay in Jamhuuriyadda Somaliland dedaal badan gelisay welina ku hawlan tahay inay intii suurtagal ah inay xidhiidh la sameyso duwalka caalamka, iyada oo wakaaladdu is weydiisay sababta ay Somaliland danta uga yeelan karto Ruushka iyo waxaa uu kaga bedellan karro kobacinta dhaqaale iyo militari ee xagga farsamada ee ay dheer tahay ama ay ku kasban karto awoodaha isku haya geeska Afrika?
Waxaanay sheegtay in Deegaan ahaan goobta ay ku taallo Somaliland muhiimad gaar ah leedahay, Ismarkaana quwaddaha aduunku caadi ahaan soo jiidashada quwadaha waa weyn ee ka jira qaybaha kale ee adduunka. Soojiidashada aaggan ayaa kali ah waxaa kaa xigga inaad fahamto inaad eegto khariidadda. “Waa Albaabka laga gallo Badweynta Hindiya, u dhowaanshaha waddamada hodanka ku ah Kheyraadka dabiiciga ah ee Badhtamaha iyo Bariga Afrika, iyo sidoo kale marin u helidda marinnada maraakiibta Gacanka Cadmeed iyo Badda Cas – waxaas oo dhami waxay sabab u yihiin xiisaha weyn ee mawduucyo fara badan oo siyaasadda adduunka ah oo aagan ku saabsan, Somaliland, iyada oo lagu taageerayo aqoonsigeeda rasmiga ah, waxay diyaar u tahay in ay la wadaagto fursadaha juqraafi ahaan dhinacyadu ay xiiseynayaan,” ayuu lagu yidhi warbixintan.

Warbixintu waxay tafaasiil dheeraad ah ka bixisay waqtigii Ingiriisku tagay dhulka Somaliland, muhiimada ay u lahayd, xiligii ay xorriyada Somaliland ka qaadatay, la midowgii Somalia iyo dagaal ka dib dib ula soo noqoashadda Madaxbanaanidda ka dib halgankii Hubaysnaa ee SNM horseedka ka ahayd. “In kasta oo ay jirto in Somalia weli ku doodayso midnimo. Hadana, Somaliland waxay haysatay astaamaha ugu waa weyn ee madax-bannaanida, oo ay ka mid tahay xasilloonida siyaasadeed ee gudaha. Sannadkii 2001, dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland waxaa loo qaaday afti qaran.
Waxaa xusid mudan guusha la yaabka leh ee mas’uuliyiinta Somaliland ka gaadheen dagaalka ka dhanka ah kooxda Islaamiga ah ee Al-shabaab iyo budhcad-badeednimada ka jirta dhulka Somalia.”

Warbixinta waxaa lagu barbar dhigay dhaqaalaha Washington ku taageerto dawladda Muqdisho oo aan illaa hadda wax guul ah lagu gaadhin. “Somaliland oo aan la aqoonsan iyo la tacaalista khataraha amniga qaranka. Laba arrimood oo muhiim ah ayaa gacan ka geystay, tan – sirdoonka la isku halleyn karo iyo nidaam dawladeed oo si wanaagsan u shaqeynaya. Dowladdu waxay ku guuleysatay inay xidhiidh dhow la sameyso bulshooyinka maxalliga ah, gaar ahaan meelaha xeebaha ku dhow. Dawladdu waxay si toos ah lacag ugu siisaa muwaadiniinteeda, iyadoo u sheegaysa mas’uulida ka saran dalkoodda ilaalinta iyo ka hortagista argagixisada iyo budhcad badeedda. Intaas waxaa sii dheer, bilowgiiba, mas’uuliyiinta Somaliland waxay muujiyeen danayntooda sugida amniga xitaa degsiimooyinka fog-fog, kuwaas oo gabi ahaanba ka duwan qaab dhismeedka amniga ee waddanka deriska la ah Soomaaliya,” “In kasta oo ay jirto  xaqiiqda ah in jilayaasha muhiimka ah ee xidhiidhka caalamiga ah sida USA, Ingiriiska, Faransiiska iyo EU-da ay dhowr jeer ku amaaneen masuuliyiinta Somaliland doorka weyn ee ay ka qaateen la dagaallanka argagixisanimada iyo dambiyada xuduudaha, iyada oo aan la xusin guulaha laga gaadhay hanaanka dimuqraadiyadeed ee dalkaas, haddana wali waxay u xidhantahay la’aanta aqoonsiga rasmiga ah ee madax-bannaanida.  Tani wax saameyn ku yeelanaysaa dhaqaalaha dalka.
Aqoonsi lay’aanta caalamiga ahi waxay xaddideysaa fursadaha ganacsi ee shisheeye waxayna sii xumaynaysaa jawiga maalgashiga ee Somaliland. GDP ga gobolka aan la aqoonsan waa $ 2 bilyan,  ilaha ugu weyn ee dakhliga ayaa ah xawaaladaha qurbo-joogta reer Somaliland ee dibada iyo xoolaha la dhoofiyo. Intaas waxaa sii dheer, Somaliland uma qalmin aqoonsi la’aan darteed, inay amaah ka hesho Sanduuqa Lacagta Adduunka iyo Bangiga Adduunka. Sidaa darteed, waxa muuqata in aqoonsiga shisheeye ee madaxbanaanida Somaliland loo diiday uu yahay arrin waji gabax ku ah jiritaanka 4 milyan ee ruux degen dalkan.”

Warbixintu waxay tilmaantay in sidaas oo ay tahay Somaliland ay heshiisyo caalami ah gashay, waxaana uu soo qaatay kan Dekedda Berbera iyo Somaliland, Imaaraadka iyo Ethiopia. Waxaana uu sheegay inay Wakiillo ku leeyihiin wadamo badan Hargeysa, Sida Ethiopia, Jabuuti iyo Kenya.

Dagaal dawladda Somalia ku qaaday iyo cabashooyin ay ka gudbisay ayey Wakaaladda Regnum sheegtay inay imaaraadka ku keentay inuu hoos u dhigo heshiiska uu Somaliland kulla jiro iyo Isticmaalka Madaarka Berbera sida uu ku dooday. “Masuuliyiinta Somaliland laftoodu waxay samaynayaan dadaal kasta oo diblomaasiyadeed oo suurtagal ah si kor loogu qaado maqaamkooda sharciyeed ee adduunka. Natiijooyinka ayaa ah aqoonsiga baasaboorada Somaliland oo ay bixiyeen wadamada UAE, Saudi Arabia, Kenya, Djibouti, Ethiopia, South Sudan, South Africa, Great Britain, France, Belgium iyo Turkey, iyo sidoo kale furitaanka wakiilo rasmi ah oo ka socda jamhuuriyada oo degen Dubai, Addis Ababa, Pretoria, Djibouti, Nairobi, Turin. Stockholm, Paris, London iyo Washington.” ayey tidhi Wakaaladda Regnum. “Hoggaanka jamhuuriyadda aan la aqoonsan waxay si dhaw isha ugu hayaan isbedelada siyaasadeed ee adduunka. Gaar ahaan, Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, ayaa noqday mid ka mid ah hoggaamiyeyaasha siyaasadeed ee ugu horreeyay, ee dhambaal hambalyo ah u diray Boris Johnson guushii uu ka gaadhay xisbiga Conservative-ka ee doorashadii ​​jagada Ra’iisul Wasaaraha.”

Waxay sheegtay Wakaaladdu in Ingiriisku ka dib marka uu ka baxo Yurub uu u baahan yahay kordhinta Xidhiidhka Somaliland isaga oo xiganaya Aniis Cabdilaahi Ciise.

Qoraalka waxaa kale oo lagu sheegay socdaaladdii Madaxweynaha Somaliland ku tagay waddamada gaar ahaan Afrika dhawaan, sida Masar, Jabuuti iyo Guinea si uu u dhiso xidhiidh ganacsi iyo mid dhaqaale. “Alfa Conde, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Guinea, sanadihii la soo dhaafay wuxuu noqday mid ka mid ah taageerayaasha firfircoon ee ka qaybqaata faafitaanka saameynta Ruushku ku leeyahay Qaaradda Madow. Sanadihii 2017 iyo 2018, dhukumiintiyo taxane ah ayaa lagu kala saxeexday Moscow iyo Conakry oo ku saabsanaa horumarinta tamarta, kaabayaasha dhaqaalaha, horumarinta kaydinta macdanta iyo keenista alaabada Ruushka ee dalkaas, iyo sidoo kale isku dubaridka dadaallada lagula dagaallamayo argagixisada qaaradda. Sida laga soo xigtay Africa Intelligence, Conde wuxuu kula taliyay dhigiisa Somaliland inuu fiiro gaar ah siiyo Ruushka, marka laga hadlayo dalabyada wanaagsan wuxuu noqon karaa mid ka mid ah wadamada ugu horeeya ee si rasmi ah u aqoonsada Somaliland.” Ayaa lagu yidhi warbixinta.

Waxaana xussid mudan oo qormaddu muujisay in xiisaha Ruushka ee gobolkan geesku uu sii kordhayay mudooyinkan danbe. “Dabayaaqadii 2017, Yuri Kurshakov, qunsulka safaaradda Ruushka ee Jabuuti, ayaa booqday magaalada Hargeysa. Intii lagu gudajiray booqashada dibloomaasiyiinta Ruushka, waxay labada dhinac ka wada hadleen suurtagalnimada in la dhiso saldhig ciidamada badda ee Ruushka ah oo u dhaw magaalada Zeylac, sidoo kale in loo soo diro la taliyayaal milateri oo Ruush ah si ay u tababaraan ciidamada Somaliland, iyo sidoo kale inay maalgashi dhan 250 bilyan oo doollar ugu deeqaan warshadaha saliida iyo gaaska, iyadda oo Ruushku helayo 35% macaashka ah,” ayey tidhi Wakaaladda Warar Regnum waxaanay sheegtay in arrimahani ay tahay inuu ku dhiirado Ruushku oo ay muhiim u tahay tartamadda socda waxaanay warbixinta Wakaaladda Wararka Regnum farta ku fiiqday waddamada dalka Djibouti ku leh saldhigyadda iyaddoo aad dal ahaan u kooban, waxaanay sheegtay in Somaliland uga faa’iido badan tahay Ruushka waddamada Sudan, Eritrea iyo Djibouti oo ay tahay inuu hore ugu dhaqaaqo xidhiidhka Somaliland.

Ruushku Ma u baahan yahay Somaliland, maxayse tahay sababtu? Akhri warka oo ku qoran afka Ruushka

Leave a Reply (Wixii Talo ah noo soo gudbi)

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.