WorldRemitAds

Addis Ababa, Ethiopia, August 11, 2018, (Saxafi) – Xubnihii Xisbiga Dimuqraadiga Soomaalida Itoobiya (Ethiopian Somali People’s Democratic Party) Iyo Mucaaridka ee Ismaamulka Deegaanka Soomaalida Itoobiya, ayaa isugu tegay xarunta dalka Ethiopia ee Addis Ababa, iyadoo uu halkaas ka bilaabmay dagaalka doorashada Madaxweyne cusub oo maamulka Soomaalida Itoobiya loo samaynayo.

Ku dhawaad 40 xubnood oo ka tirsan golaha dhexe ee xisbiga ka arrimiya dawlad deegaanka Soomaalida Itoobiya iyo hoggaamiyayaasha mucaaradka ayaa ku sugan magaalada Addis Ababa, sida ay sheegeen xubno ka tirsan golahaasi.

SomlegalAds

Xubnihii Xisbiga Soomaalida Iyo MucaaradkiiXubnaha ka tirsan xisbiga Somalida ayaa maalmihii ugu danbeeyayba ka biyo diidnaa in ay tagaan Addis Ababa oo looga yeedhay kaddib markii uu soo ifbaxay khilaaf adag oo kala dhax-galay nidaamkii Cabdi Iley ee maamulka Soomaalida iyo dawladda dhexe ee Itoobiya.

Xubnaha ku sugan magaalada Addis Ababa ayaa lagu waramayaa in ay Jigjiga kagga tageen kali ah laba xubnood oo la sheegay in ay Jigjiga ugu hadhgeen sii kala wadista howlaha golaha.

Xaalladda magaallada Jigjiga ayaa degan waxaana la filayaa in ay noloshu si deedii tartiib tartiib ugu soo noqoto.

Wararku waxaa ay sheegayaan in xubnaha ku sugan Addis Ababa ay aad isugu hawllayaan inay door ku yeeshaan maamulka cusub ee la doonayo in la dhiso. Cabdirisaaq Saxane Cilmi oo ka mid ah xubnahan Wasiiradda maamulkii Cabdi Maxamuud Cumar oo ku suggan Addis Ababa ayaa waxaa uu shabakadda xidhiidhka bulshadda soo dhigay farriin uu ku sheegayo in xisbigooddu dhaqan u leeyahay inuu isa saxo. “XDSHSI Waa xisbi shacab oo wax ka barta khaladaadkiisa, islamarkaana awood u leh dabcigiisuna yahay in uu si qoto dheer u baadho gudihiisa si’uu u saxo dhaliishiisa, mar labaadna u cusboonaaddo xawligiisana u sii laba jibaaro.” Sidaas ayuu yidhi Cabdirisaaq Saxane.

Dhinaca kale, Mucaaradku waxaa ay u arkaan danbiileyaal ay tahay in sharciga la hor geeyo lana mariyo dhibaataddii ay geysteen, iyaggoo inta badan ku doodaya in maamulkaa hore doonayo inuu qiiqa isku qarriyo oo ka faa’iidaysto fadqallalo uu masuul ka ahaa.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.