WorldRemitAds

Addis Ababa, Ethiopia, August 26, 2018, (Saxafi) – Madaxweynaha cusub ee Kililka Shanaad ee dawlad deegaanka Somaalida Ethiopia Mustafe Maxamed Cumar ayaa ka waramay kullan uu la yeeshay masuuliyiinta Jabhadda Xoreynta Ogaadeeniya.

War qoraal ah oo Mustafe kaga hadlay kullankan iyo natiijadda ka soo baxday waxaa uu ku yidhi sidan. “ Waxaan saaka (Shalay) wadahal la yeeshay wafti ka socday Jabhada Wadaniga Xoreeynta Ogaadeenia (JWXO) oo uu hoggaminayay halgame Xussen Nuur.

SomlegalAds

Waxaan is af garad buuxa ka gaadhnay dhamaan qodobadii aan ka wada xaajoonay. Waxaan qaadi doonaa talaabooyin lagu meel marinayo qodobadii aan ku heshiinay.

Qodobada aan ku heshiinay oo aan ku koobneyn inta hoos ku qoran waxaa ka mid ah:

  1. In si deg deg ah loo qaado tallaabooyin lagu daryeelayo halgamayaashii ku naafoobay dagaaladii guumaysi-diidka ahaa ee ay ku la jireen TPLF;
  2. In jabhadu ay si xor ah dhaqdhaqaaqyo siyaasadeed uga biloowdo deegaanka Soomaalida;
  3. In laga fogaado wixii keeni kara isku dhacyo ama keeni kara qalalaase amaan;
  4. In wadahalo mug wayn oo u dhaxeeya dawladda Itoobiya iyo ONLF dhawaan si rasmi ah u bilaabmaan;
  5. In laga fogaado wixii kala geynaya shacabka deegaanka ama keenaya kala shaki iyo naceyb;
  6. In maamulka cusub ee deegaanku kaalin fiican ka ciyaaro in loo fududeeyo ONLF inay si sharci ah barnaamijyadeeda siyaasadeed uga hirgaliso deegaanka;
  7. In maamulka cusub ee deeganku ballan qaado doorashooyin xor iyo xalaal ah kadib marka uu dhamaado xiliga kala guurka ah;

Waxaan geed dheer iyo mid gaabanba u fuuli doonaa in aan isku soo dhawayno shacabka deegaanka Soomaalida si si wadajir ah loo soo dhacsado xuquuqaha inaga maqan.”

Raysal-Wasaaraha Ethiopia, Abiy Axmed

Dhinaca kale, Ra’iisul-wasaaraha Ethiopia, Abiy Ahmed ayaa  shalay shirkiisii jaraa’id ee u horreeyey ee su’aalo lagu weydiiyo tan iyo markii la doortay bishii April, ku qabtay xafiiskiisa, waxaanu shir saxaafadeedkaasi  socday  laba saacadood iyo badh, waxaana ka qaybgalay  suxufiyiin iskugu jiray kuwa dalkaasi iyo suxufiyiinta warbaahinta caalamka ee ka hawlgala Itoobiya.


Maxaa Keenay In Lagu Laayo Diridhaba Muwaadiniinta Reer Djibouti?


Ugu horreyn   Ra’iisul-wasaaruhu wuxuu sheegay inay farogelintii ay dawladda Federaalku ku samaysay deegaanka Soomaalida Itoobiya ee Kililka Shanaad ay keentay xadgudubyo bini’aadanimo iyo gabood-falo  xun oo ka dhacay degaankaasi, waxaanu xusay inay dawladda federaalku dhibaatadaasi u gashay si feejigan oo taxadar leh.

Mr. Abiy Ahmed wuxuu  ku dooday  in dad  u dhashay waddanka  Djibouti oo  dhowaan lagu dilay  magaalada Diridhaba ay ahayd weerar qorshaysan oo  dhibaato lagu kala dhex dhigayey dalalka jaarka ah, waxaanu ku sifeeyey falkaas  mid ka mid ah shirqoolada loo maleegayey dalalka Gobolka.

Raysal-wasaaraha Ethiopia wuxuu xaqiijiyey  in madaxweynihii hore ee Kililka Shanaad ee dawlad deegaanka Soomaalida Cabdi Maxamed Cumar, arrintiisu   tahay qaddiyad  ay geli doonaan hay’adaha sharciga ee dalkaasi. Waxa kaloo uu caddeeyey inay meel wanaagsan marayaan baadhista   dilkii injineerkii dhisayey biyo xidheenka Itoobiya  iyo bombo gacmeedkii 23kii June lagu tuuray  fagaare ku yaalla Addis-ababa, kuwaasi oo  uu sheegay in la soo bandhigi doono natiijooyinka ka soo baxa.

Waxa kaloo uu caddeeyey in isbeddelka  uu ka wado dalkaasi ay soo dhaweeyeen bulshada iyo xisbiyada ku jira isbahaysiga EPRDF, hase ahaatee ay ka soo horjeedaan dad laga qaaday  xilalkii ay ka hayeen dawladda.

Raysal-wasaare Abiy Ahmed wuxuu daboolka ka qaaday  in markii u horreysay tan iyo 2005-tii Baanka Adduunku Itoobiya ugu deeqi doono bilaha soo socda 1 Bilyan oo doolar, taasi oo uu hoosta ka xariiqey inay keentay  isbeddelada ka socda Itoobiya.

Sidoo kalena wuxuu balanqaaday in doorashada guud ee dalkaasi ka qabsoomi doonta sannadka 2020-ka ay noqon doonto mid xor  ah.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.