WorldRemitAds

Wakaaladaha wararka aduunka ayaa badankoodu qoray, war ku saabsan xadhigga gabadh suxufiyad ah oo ka tirsan telefishanka dawladda ee dalka Masar, taas oo ahayd suxufiyadii akhriday warkii dhimashada madaxweynihii hore ee Masar Maxamed Mursi dawlada dalkaasi ka soo saartay, kuna cadaynaysay inuu maxkamada gudaheeda ku dhacay, kuna dhintay markii cusbitaalka loola cararay.

Noqo kan ugu horeeya ee hela xog – Ku Biir Boggayaga Twitterka

SomlegalAds

Haddaba waa maxay sababta suxufiyad-dan loo xidhay? Iyadoo la wada og yahay in warka ay akhriday ahaa mid loo soo qoray oo maamulka warbaahinta u qaabilsan dawladda Masar gacantooda ku soo qoreen? Sida xubno badan oo ka mid ah suxufiyiinta ka hawl gala warbaahinta dawladda ee dalka Masar ay wakaaladda wararka Reuters u sheegeen, gabadhan Suxufiyadda ah ee warka akhriday ayaa masuuliyiinta dawlada ka tirsani xadhigeeda amreen.

Suxufiyad-dan ayaa sida laga wada daawaday telefiishanka dawladda ee dalka Masar, warka dhimashada Maxamed Mursi ka akhriday telefoonkeeda gacanta oo noociisu Samsung yahay, kaas oo loogu soo diray qoraalka warka ay dawladu ku cadaynaysay dhimashada Maxamed Mursi.

Laakiin markii warku baxay ayay masuuliyiintu ka xumaadeen qodob ka mid ah warka ay inantu akhriday oo ahaa, Dawladda Masar waxay Mohamad Mursi u samaysay baadhis caafimaad oo joogto ah, tan iyo sanadkii 2017-kii, taas oo masuuliyiinta suxufiyadan xidhay ku doodayaan in warka loo qoray ahaa 2016-kii, laakiin ay iyadu 2017-kii ka dhigtay.

Eedayntaas loo jeediyay gabadha Suxufiyadda ah waxa si adag u beeniyay suxufiyiintii kale ee Istuudyaha kula sugnaa kuwaas oo cadeeyay in suxufiyadani akhriday warkii loo soo qoray oo kaliya, ilaa walina ay ku hayso fariintii warkaas ee telefoonkeeda gacanta loogu soo diray, kaas oo dhamaan hawl wadeenadii la shaqaynayay oo dhan ay u wada dirtay markii xabsiga lagu sii waday, 2017-kiina taariikhdu sax ku tahay, laakiin dareenkii ka soo noqday awgeed ay masuuliyiintu xukuumadda Masar ay isaga maydhayaan xadhigga suxufiyadan.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.