WorldRemitAds

Labada waddan ee Maraykanka Iyo Iiraan waxa muddo nus qarni ku dhow ka dhexeeyay colaad, ganacsi iyo siyaasadeed, kaas oo intiisa badan ka bilaabmay markii talada laga tuuray Boqor Shaahi dalka Iiraan, oo iskaashi wayn la lahaa maamulka Washington, taas oo ku beegan markii uu curtay kacaankii Islaamiga ahaa ee Aayatullah Khumayni hogaaminayay sanadkii 1979-kii.

Noqo kan ugu horeeya ee hela xog – Ku Biir Boggayaga Twitterka

SomlegalAds

Cuno qabatayn muddo afartan sano ku dhawaad saarnayd dalka Iiraan, ayaa maamulkii Madaxweynihii hore ee Maraykanka Barack Obama soo afjaray sanadkii 2015-kii, ka dib markii uu heshiis ku saabsan hubka nukliyeerka Iiraan ay wada gaadheen, waxaanu Maraykanku ka qaaday cuno qabatayntii dhaqaale ee dalkaa Muddada dheer saarnayd.

Laakiin Madaxweyne Donald Trump ayaa markii uu talada qabsaday ka baxay heshiiska barnaamijka Nukliyeerka Iiraan, waxaanu laalay dhamaan wixii lagu heshiiyay, wuxuu bilaabay cuno qabatayn dhaqaale oo cusub iyo hanjabaado dhinac walba leh.

Inkastoo ay adag tahay in waxyaabo badan oo la isku hayo aynu barnaamijkan ku soo wada qaadan karno, haddana waxa jira in horumarka ay Iiraan ka samaysay tignoolajigu xudun u yahay xiisada u dhaxaysa labada waddan ee Maraykanka Iyo Iiraan, waxa kale oo aynu inyar is dul taagi doona awooda ciidan ee labada dhinac, taas oo kala ah sidan aynu ku horayno dalka Maraykanka oo ah kan ugu awooda wayn dunida xiligan.

Ciidamada Milatariga Milyan iyo Afar boqol oo askari iyo Milyan iyo boqol askari oo kayd ah. Ciidamada Maraykanku waxay ku baahsan yihiin, 750-Saldhig oo ilaa boqol iyo sodon waddan oo aduunka ah ku kala yaala.

Diyaaradaha 13444 Diyaaradood, Kaarayaasha 8848 Taangi, 20 Maraakiibta diyaaradaha xambaara ah iyo 430 gaadiidka dagaalka ee bada ah.

Dhinaca kale dalka Iiraan Sida global Fire Power Iiraan waa dalka Sideedaad ee ugu ciidamada badan aduunka,  Milatariga 545 Askari, ciidamada Ilaalada Kacaanka oo lagu tilmaamo kuwa ugu awooda badan waa 90-kun tiradoodu, waxa ku xiga guutooyinka Qudus loogu yeedho oo 18-kun oo askari, diyaaradaha Iiraan waa 479 diyaaradood, Kaarayaasha 1658 Kaare, ciidamada bada Iiraan 18-kun oo askari kuwaas oo haysta 400 oo gaadiid badeed ah, Iiraan waxay haysataa boqolaal gantaalaha Power-ka loo yaqaano ee difaaca cirka ah, kuwaas oo u dhigma gantaalaha S-300 ee Ruushku sameeyo, waxa kale oo ay haysataa kumanaan gantaalaha ridada dheer ee Plastic-ga ah iyo kuwa kuruuska loo yaqaano, waxa kale oo ay leedahay nidaam raadaal oo 12000 oo km gaadhsiisan.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.