WorldRemitAds

Hudheel kuwa laga casheeyo ah oo ku yaala dalka Maraykanka ayaa abaal marin layaab leh u balan qaaday, macaamiisha telefoonadooda gacanta xidha isla markaana si fiican u wada sheekaysta inta ay cuntaynayaan, waxaanu maamulka hudheelkani macaamiisha balantooda ka soo baxa u balan qaaday casho Pizza ah oo bilaash ah.

Noqo kan ugu horeeya ee hela xog – Ku Biir Boggayaga Twitterka

SomlegalAds

Sida wakaaladaha wararka aduunka intooda badani ku warameen, shirkada hudheelada Curry Pizza Company, ee degaanka Frenso gobolka California ee dalka Maraykanka ku yaala, ayaa maamulkoodu casho bilaash ah u balan qaaday macaamiisha telefoonadooda gacanta xidha inta ay cuntaynayaan iyo wakhtiga ay hudheelka gudihiisa ku jiraan.

Maamulka hudheeladan ayaa shardi macaamiisha kaga dhigay inay telefoonadooda gacanta xidhaan, sidii caadiga ahayd ee ka hor intaanu Mobile-ku soo bixin loo wada sheekaysan jirayna ay u wada haasaawaan, muddada ay cuntaynayaan iyo inta ay hudheelka ku sugan yihiin.

Sida dhabbta ah waxa jira in dhawaaqa telefoonada gacanta iyo ku mashquulistoodu ay dhibaato badan ku hayso meheradaha laga cunteeyo ee aadka loogu xidhan yahay, waxa kale oo sida maamulka hudheelkani ku doodayaan ay caqabad ku noqdeen hab dhaqankii aadamiga, waxa meesha ka baxday xidhiidhkii macaamiisha iyo meherada, waxa kala mashquulay qofkii wax iibsanayay iyo kii u shaqaynayay, taas oo nidaamka shaqo khalad ku ah, sida maamulka hudheeladani warbaahinta u sheegeen.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.