WorldRemitAds

Wiilka dhalinyarada ah ee aasaasay isla markaana ah mulkiilaha shabakada xidhiidhka bulshada ee Facebook, Mark Zakrberg ayaa kaalinta labaad ka galay, maal qabeenada hantidooda qayb wayn ugu deeqay hay’adaha gargaarka dunida ama haddii si kale loo dhigo bixiyay taburucaadkii ugu badnaa sanadkan sii dhamaanaya ee 2019-ka.

Sida ay ku warantay shabakada wararka ee CNN, Mark Zakrberg iyo xaaskiisu waxa ay galeen kaalinta labaad ee tabarucayaasha ugu horeeya ee dalka Maraykanka, waxaana kaliya ka horeeya sida CNN ku warantay, maal qabeenka reer Maraykan ee lagu Magacaabo, Warren Buffett, oo isagu kaalinta ugu horaysa kaga jira tabarucaadka dunida ee hay’adaha gargaarka iyo dadka saboolka ah ee dunida.

SomlegalAds

Noqo kan ugu horeeya ee hela xog – Ku Biir Boggayaga  [wp-svg-icons icon=”twitter-2″ wrap=”i”] @Saxafi

Mark Zakrberg iyo xaaskiisa, Priscilla Chan, waxa ay sanadkii tagay ku tabaruceen, shan boqol oo milyan oo lacagtooda ah, taas oo ay ugu deeqeen hay’ado gargaar oo ka qaadhaan urursada, Silicon Valley, xarunta lagu magacaabo oo ah saldhiga ugu wayn ee shirkadaha tignoolajiga dunida.

Sida lagu baahiyay shabakada arrimaha tabarucaadka dunida u kuur gasha ee (The Chronicles or Philanthropy.), waxa uu mulkiilaha Face book jabiyay rikoodh la xidhiidha dhinaca tabarucaadka gargaarka, marka loo eego dakhligiisa kooban iyo wakhtiga aadka u yar ee uu maal qabeenka ahaa.

Maamulaha Facebook Mark Zakrberg, ayaa la sheegay in bishan December, uu sideed iyo toban milyan oo dollar ugu tabarucay, hay’ad gargaar oo qaadhaan looga ururinayay maal qabeenada dunida gaar ahaan kuwa dalka Maraykanka.

Warbaahinta Maraykanka ayaa taxday liiska maal qabeenada Maraykanka ah ee safka hore ka galay tabarucaadka iyo qaadhaan bixinta, kuwaas oo ay ugu muhiimsanayeen, John Arnold, oo ah maareeyaha shirkad ganacsi oo soo saarta gaaska dabiiciga ah ee dunida, kaas oo kaalinta sadexaad ka galay liiska deeq bixinta maal qabeenada Maraykanka.

Waxa isna kaalinta afraad galay, Paul Allen, oo ka mid ahaa aasaasayaasha shirkada Microsoft, kaas oo ku deeqay aduun lacageed oo lagu qiyaasay, sadex boqol iyo sagaal milyan oo dollarka Maraykanka ah, waxaanu noqday qofka afraad ee tabarucaadka ugu badan bixiyay maalqabeenada Maraykanka sanadkan dhamaadka ah ee 2019-ka.

Mulkiilaha Mareegta Google Sergey Brin, iyo xaaskiisa Anne, ayaa iyaguna galay kaalinta shanaad, kuwaas oo ku deeqay, aduun dhan laba boqol iyo sadex iyo labaatan milyan oo dollar, lacagahan tirada badan ee ay ku tabaruceen tujaarta Maraykanku ayaa sida la tilmaamay noqonaya xadigii ugu badnaa ee gar gaar ahaan maal qabeenadu u bixiyaan ama u huraan dadka saboolka ah ee dunida, taas oo sida muuqata muujinaysa muhanimada dadka Maraykanka ah oo xitaa ka dheereeyay dadkii Islaamka ahaa ee Diinta Xaqa ah rumaysnaa.

Facebook 2019

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.