WorldRemitAds

Mohamed Morsi Madaxweynihii ugu horeeyay ee shacabka dalka Masar nidaam xor ah ay ku doorteen, taariikhda abid, waxaanu toddoba sanadood ka dib ku geeriyooday isla maalintii lagu dhawaaqay inuu ku guulaystay doorashada oo ku beegnayd isniintii 17-ka Juun 2019, waxaanu ku dhex dhintay gudaha shabaga dadka eedaysanayaasha ah lagu qaado ee dalka Masar.

Madaxweynihii hore ee Masar Mohamed Morsi ayaa wax ka yar sanad hayay xilkii shacabku u doortay, waxaana af gambi milatari ku riday, wasiirkiisi gaashaandhiga Gen. Cabdi Fataax Sisi, oo dhawr bilood ka hor intaanu afgambiga milatari xukunka kaga tuurin uu isagu u magacaabay wasiirkiisa gaashaandhiga, wakhtigaas oo uu dhaafiyay sadex sarkaal oo ka lahaa siyaanada.

SomlegalAds

Noqo kan ugu horeeya ee hela xog – Ku Biir Boggayaga Twitterka

Dr. Mohamed Mursi ayaa 8-dii bishii August 1951-kii ku dhashay degaanka Cadwo ee gobolka Bariga Masar, halkaas oo uu waxbarashadiisi dugsiga hoose iyo dhexe uu ku dhamaystay, ka dibna wuxuu jaamacada ka galay magaalada Qaahira, ka dibna wuxuu ku biiray ciidamada dalka Masar oo sanadihii 1975 ilaa 1977-kii, ka hawl galay, gaar ahaan qaybta ciidamada bada.

Sanadkii 1978-kii ayuu guursaday xaaskiisa oo lagu magacaabo, Najla Maxmuud, taas oo shan wiil u dhashay, kuwaas oo lagu kala magacaabo, Axmed, Shima, Usama, Cumar iyo Cabdallah, waxa kale oo uu ifka kaga tagay sadex qof oo uu awoow u yahay oo carruurtiisu sii dhaleen.

Sanadkii 1975-kii ayuu derajada Bachelor ee aqoonta Injineernimada ka qaatay jaamacada Qaahira, sanadkii 1978-kii ayuu shahaadada Master-ka ee cilmiga Injineernimada ka qaatay, isla jamaacada Qaahir, waxaanu wakhtigaas ka mid ahaa ardaydii ugu dhibcaha sareeyay waxbarashada jaamacada Qaahira, taas oo u horseeday waxbarasho dibadeed oo uu ka helay dalka Maraykanka, oo uu shahaadada PH.D. ka qaatay jaamacada Kruger ee Koonfurta California, waxaanu si gaar ah u bartay cilmiga farsamada mishiinada dayax gacmeedyadu ku duulaan, oo aad ugu yar gobolka Bariga dhexe.

Madaxweynihii hore ee Masar Mohamed Morsi muddo dheer ayuu macalin jaamacadeed ka noqday jaamacado dhawr ah oo ku yaala dalka Maraykanka, waxaanu abaal marino tiro badan ka helay wakaalada tacliinta sare u qaabilsan dalka Maraykanka, ka dib markii uu ku sifoobay akhlaaq wanaag iyo habsami u bixinta aqoonta ee jaamacadaha dalka Maraykanka.

Intii uu Maraykanka ka shaqaynayay wuxuu ku guulaystay inuu waxyaabo badan ikhtiraaco kuwaas oo abaal marino kala duwan lagu siiyay, waxaanu sida aqoon yahano badan oo Maraykan ahi ku warameen ka mid ahaa dadka ugu wanaagsan aqoonta sayniska gaar ahaan fisigiska.

Dhamaadkii 1977-kii ayuu Madaxweynihii hore ee Masar Mohamed Morsi siyaasada galay waxaanu ka mid noqday dadka ugu firfircoon dalka Masar, hasa yeeshee guul wax ku ool ah kamuu gaadhin, ka hor sanadkii 2000 oo markii ugu horaysay ku guulaystay, kursi barlamaanka dalka Masar ah, kaas oo ilaa sanadkii 2005-tii ka mid ahaa.

Taariikhka Madaxweynihii Hore Ee Masar Mohamed Morsi Iyo Xad Gudubyadii Xabsiga Loogu Gaystay
Madaxweynihii Hore Ee Masar Mohamed Morsi (Midig) oo salaan ka qaadanaya wasiirkiisi gaashaandhiga Gen. Cabdi Fataax Sisi oo isagu magacaabay, dhawr bilood kadibna inqilaab kaga riday ilaa haddana Madaxweynaha ka ah Masar

Markii dibad baxyadii guga carabta loogu magaca daray ka dhaceen dalka Masar, ee xukunka laga tuuray Madaxweyne Mohamed Xusni Mubarak ayaa laga sii dayay xabsi maamulkii kali taliyaha ahaa ku xidhay, waxaanu ka mid noqday dadkii ugu fir fircoonaa ee hogaanka u qabtay kooxihii kacdoonada sameeyay, ilaa heer uu ku guulaystay musharaxnimada xisbiga cadaalada iyo daryeelka ee dalka Masar, ka dibna uu ku guulaystay doorashadii ugu horaysay ee xor iyo xalaal ah oo inta taariiikhda la garanayo ka dhacda dalka Masar.

24-kii bisha Juun 2012-kii ayuu noqday madaxweynaha dalka Masar, waxaanu soo dhisay dawlad aqoon yahano u badan, aadna loogu hambalyeeyay, taas oo wakhti kooban gudihii ku guulaysatay inay soo afjarto caqabado badan oo xukuumadihii kali taliska ahaa ee ka horeeyay ka tageen, sida musuq maasuqii baahsanaa ee laamaha dawlada oo ay si wayn hoos ugu dhigeen, waxa kale oo ay hir geliyeen nidaam shaqo uu aad u hufan, kuwaas oo hayado kala duwan oo maamul wanaaga iyo la dagaalanka musuq maasuqu ka amaaneen.

Mushaharada shaqaalaha iyo ciidamada ayay dawladiisu kordhisay waxaanu kor u qaaday heerka wax soo saarka dakhliga dalka, taas oo colaad badan ku keentay, waxaana ku bilaabmay dagaal caalami ah iyo mid gudaha dalka ah, kuwaas oo 11-bilood ka dib markii uu xukunka qabtay cirka isku shareeray, ilaa heer ay xaaladu gaadhay in xisbiyadii mucaaridku joojiyaan wada shaqayntii dawlada ay la lahaayeen, waxa bilaabmay dibad baxyo ilaa wali aan la garanayn cida ka danbaysay iyo sababihii dabada ka riixayay?

Laakiin horseed u noqday afgambigii wasiirkiisa gaashaandhigu xilka ka tuuray, muddo lix sanadood ah ayuu ku jiray xabsi uu kali ku yahay, waxaana loo diiday inuu xidhiidh la sameeyo saaxiibadii, qoyskiisa iyo carruurtiisa, waxaana loola dhaqmay hab aad u qalafsan oo kooxaha xuquuqda aadamiga u ololeeya aad uga dayriyeen, waxa loo diiday dhakhtarkiisa gaar ah iyo qareenada difaacaya inay la kulmaan.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.