WorldRemitAds

Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa waalidiinta Ruushka ugu baaqay inay kutubta muqadaska ah carruurta u dhigaan, dhalinyaraduna ay akhristaan, sadexda kitaab ee samaawiga ah, gaar ahaan kitaabka Quraanka kariimka ah oo uu ku tilmaamay mid wax badan u kordhin doona da’yarta Ruushka.

Noqo kan ugu horeeya ee hela xog – Ku Biir Boggayaga Twitterka

SomlegalAds

Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa mar uu la hadlayay waalidiinta dalka Ruushka ku booriyay in carruurta da’doodu aadka u yar tahay, loo dhigo diinta si ay wax badan xaqiiqada dhabbta ah ee dunida uga ogaadaan, taariikho badan oo wakhti hore soo dhacayna ay u ogaadaan.

Putin waxa uu waalidiinta ka codsaday inay kutubta samaawiga ah carruurta u akhriyaan ama baraan, sida kitaabka Quraanka kariimka ah, kitubta baybalka iyo ka yuhuudu haystaan, waxaanu si gaar ah carabka ugu adkeeyay kitaabka Quraanka Kariimka oo uu ku tilmaamay mid ka wada tifaf tiran kana hufan kuwa kale.

Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa dhibaato wayn oo dunida ku dhacday ku tilmaamay, in dadku ka fogaadaan diintooda, waxaanu walaac ka muujiyay hab dhaqanka reer galbeedka ee diin ka cararka ah sida uu hadalka u dhigay.

Putin ayaa wacad ku maray inaan dalka Ruushku noqon doonin mid dadkiisu bilaa diin noqdaan, waxaanu balan ku qaaday in inta uu talada hayo dadkiisu diinta ku xidhnaan doonaan, korna ay xukuumadiisu u qaadi doonto diimaha iyo goobaha dadka kala aaminsani ku cibaadaystaan.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.