WorldRemitAds

Milateriga Jamhuuriyada Islaamiga ah ee Iran ayaa markii ugu horaysay taariikhda soo bandhigay, muuqaalada godadka iyo meelaha ay hubka waaweyn ee dalkaas ay ku qariyaan, kuwaas oo isagu jira godad magaalooyinka iyo buuraha dhaadheer ee dalkaas laga hoos dhisay kuwaas oo boqolaal mitir dhulka hoos ugu jira, aadna ay u adag tahay sida duqayn deg deg ah loogu burburin karaa.

Noqo kan ugu horeeya ee hela xog – Ku Biir Boggayaga Twitterka

SomlegalAds

Taliyaha ciidamada Cirka iyo horumarinta dayax gacmeedyada dalka Iran General Cali Xaaj Zaad, oo warbaahinta dalka Iiran geeyay saldhigyadan buuraha ka hoos dhisan ee hubka waaweyn lagu ilaaliyo, ayaa sheegay in dalkiisu diyaar u yahay nabad inuu kula noolaado aduunka oo dhan, haddii gardaro iyo daan daansi lagula kacana uu difaaciisa heegan uga jiro.

General Cali Haj Zaadi ayaa qaar ka mid ah saldhigyada dhulka hoosteeda ee Iran ku qarsato hubka geeyay, warbaahinta dawlada ee dalka Iran, waxaanu sheegay in magaalooyinka waaweyn iyo buuraha dhaadheer ee dalkaas ay dhamaantood ka hoos dhiseen saldhigyadan oo ilaa shan boqol oo mitir dhulka hoostiisa ku yaala.

Goobaha ay Iran baahisay sawiradooda ayaa ahaa godad sida dhuumaha ama jidadka buuraha hoos mara oo kale u muuqaal dhow, kuwaas oo buuraley salaxyo ah laga dhex qoday, waxaana ka muuqday oo kale gantaalaha qaaradaha isaga gudba ee dunida ugu ridada dheer iyo noocyo kala duwan oo hubka ugu dhumucda wayn ee milatariga dalkaasi isticmaalaan ay ku jiraan.

Taliyahan ayaa muujiyay sida ciidamada ilaalada kacaanka dalka Iran ay ugu diyaarka yihiin, weerar iyo gardaro kasta oo kaga timaada cadowgooda, waxaanu sheegay in ilaa shan boqol oo saldhig oo dalkaas dhamaantii ku baahsan ay samaysteen, kuwaas oo boqolaal mitir dhulka hoostiisa ka dhisan.

Ugu danbayntii waxa uu taliyahani sheegay in dhawaan ciidamada Ilaalada kacaanka Islaamiga ah ee dalka Iran ay tijaabin doonaan, gantaalo kuwa ridada dheer ah, kuwaas oo ah nooca ku shaqeeya dareerayaasha laga falkiyo Yuuraaniyamta la bacrimiyo.

Gantaalahan ayaa ah noocyada ka dhex baxa gibilka sare ee oogada dhulka, ka dibna inta ay sabeeyaan hawada sare ama Orbit-ka si toos ah loogu duqeeyo qaarad ilaa qaarad, waanay adag tahay in dayax gacmeedyada, raadalada iyo wax kasta oo lagu ogaan kara ay helaan.

Muuqaalada hubkan cul culus ee dalka Iiraan warbaahinta u soo bandhigeen ayaa qayb ka ah dhoola tusyada iyo hanjabadaha Maraykanka iyo Iiraan hawada isku marinaya, taas oo marka xiisadu hoos u yara dhacdaba mar kale cirka isku shareeraya.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.