WorldRemitAds

Nin dhalinyaro ah oo u dhashay dalka Sucuudi Carabiya ayaa ku naf waayay shil gaadhi oo ku haleelay goobtii aabihii 19-sannadood ka hor ku dhintay, waxaanu ninkan dhalinyarada ah gaadhigii uu watay shilka kula galay goobtii aabihii ku dhintay oo isna shil gaadhi uu ku galay labaatan sano ku dhawaad.

Noqo kan ugu horeeya ee hela xog – Ku Biir Boggayaga Twitterka

SomlegalAds

Sida wakaaladaha wararka adduunku ku warameen, wiilkan ayaa maalintii axadii ee toddobaadkan ku geeriyooday shil baabuur oo ku haleelay goobtii aabihii dhawr iyo tobanka sannadood ka hor ku dhintay, kaas oo sida wararku sheegayaan ay isla meel qudha muddo kala duwan ay isaga iyo aabihii shil gaadhi ugu wada dhinteen.

Shilkan oo ka dhacay jidka isku xidha degaanada Abu Cariish iyo Caarida ee dalka Sucuudiga ayaa noqday mid aad looga hadal hayo degaanka shilku ka dhacay, oo dadka ku dhaqani si fiican u wada garanayaan wiilkan iyo aabihii waxaanu sida warbaahintu sheegtay uu dadka degaanka ku dhaqan kaga tagay walaac iyo murugo badan.

Mohamed Kasim Darwish oo ah ninkan shilka gaadhi ku helay goobtii aabihii ku dhintay ayaa sida wararku sheegayaan, siddeed iyo labaatan jir da’diisu ahayd, waxaanu ka tirsanaa ciidamada ilaalada xuduuda ee dalka Sucuudiga waxaanu booqanayay qoyskooda oo ka kooban hooyadii sadex wiil iyo afar hablood, laakiin nasiib daro wuxuu gaadhigii uu watay kula gadoomay markii uu marayay goobtii Aabihii ku dhintay oo shil noocan oo kale ahi ku haleelay dhawr iyo toban sannadood ka hor.

Waxa xusid mudan in shilka gaadhi ee waalidka iyo ilmihiisa ku wada haleelay goobtani uu si isku mid ah ugu wada dhacay, wallow wakhti dheeri u dhexeeyay, waxaanay labadooda gaadhi ee galaaftay qoyskani si isku mid ah uga wada dhaceen isla goob kaliya, iyadoo sababta shilka dhalisay ahayd mid isku mid ah oo labadoodaba baabuurtii ay wateen jidka kala baxeen xili roob culusi ka da’ayay goobta.

Sida nin u abti ah wiilkan dhalinyarada ah ee ku dhintay shilka kii aabihii ku geeriyooday la midka ahaa warbaahinta u sheegay, qoyska iyo dadka ku dhaqan degaanka oo dhan ayuu shilkan naxdin ku noqday, ilaa iyo walina baroor diiq ku jira.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.