WorldRemitAds

Akhristayaal badan ayaa laga yaaba inay aad ula yabaan marka ay arkaan ciwaankan “Meherkii Ugu Qaalisanaa Adduunka Oo Ka Dhacay Dalka Ciraaq”, waydiimo badana ay iska waydiiyaan, sida dalka Ciraaq oo dagaal iyo qalaalase siyaasadeed aafeeyay, u noqon karaa mid kaalinta ugu saraysa adduunka ka gala hodantinimada iyo nolosha.

Noqo kan ugu horeeya ee hela xog – Ku Biir Boggayaga Twitterka

SomlegalAds

Laakiin waxa xusid mudan in aynu xusuusta dib u celino dibna ugu noqo in dalka Ciraaq ka mid yahay waddamada ugu hodansan dunida, gaar ahaan khayraadka saliida caydhiin ee shidaalka aynu u naqaano, kaas oo sida warbixin ay dhawaan soo saartay dalaada waddamada shidaalka dhoofiya ee aduunku ku midoobeen ee OPIC loogu yeedha uu dalkaasi yahay kan labaad ee saliida ugu badan dunida u dhoofiya.

Meherkii Ugu Qaalisanaa Adduunka Oo Ka Dhacay Dalka CiraaqHaddii aynu dib ugu soo noqono qormadeena waxa bogaga warbaahinta iyo kuwa xidhiidhka bulshada ee dallalka carabta si wayn ugu faafay, warka la xidhiidha meherkii ugu qiimaha badan aduunka oo todobaadkan ka dhacay dalka Ciraaq, kaas oo sida wakaaladaha wararka aduunku ku warameen, lamaane reer Ciraaq ah ayaa isku mehersaday saddex bilyan oo dinaarka Ciraaq ah, kaas oo marka la badalo noqonaya Siddeed Milyan Oo Dollar iyo dheeraad.

Lamaanahan siddeeda milyan ee dollar isku mehersaday ayaa dhashay sanadii sideetamaadkii ee qarnigii hore, wiilka ayaa dhashay sanadkii 1984-kii halka gabadhu 1986-kii ka dhalatay, waxaanay maxkamada ama xafiiska qaadiga ee dalka Ciraaq horteeda kaga heshiiyeen in meherka u gabadha ku guursaday Sideed Milyan oo dollar noqonaysa.

Lacagta uu ninkani ku mehersaday xaaskiisa ayaa noqonaysa tii ugu badnayd ee qof shicib ah ama aan boqortooyo ka tirsanayn isla markaana aan ganacsade wayn oo layaqaano ahayni uu gabadh ku mehersado, waxaanu dood badan ka dhex abuuray goobaha xidhiidhka bulshada ee waddamada carabta, halkaas oo siyaabo kala duwan ay dadkii aragtidooda ka dhiibtay u cabireen.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.