WorldRemitAds

Run ahaantii waa mid ka mid ah dhacdooyinka layaabka adduunka ee maalmihii ugu danbeeyay, laga soo weriyay dunida, gaar ahaan Qaaradda Yurub, kaas oo ahaa shil ku habsaday mid ka mid ah gaadiidka waxyaabaha mac-macaanka laga sameeyo daad gureeya.

Sida wakaaladaha wararka aduunka intooda badani ku warameen, shilkan oo ka dhacay dalka Poland, ayaa ka dhashay gaadhi kuwa xamuulka ee Tareelayaasha loo yaqaano ah, oo ku rogmaday jidka halbowlaha ah ee isku xidha caasimadda dalkaa ee Warsaw iyo magaalada Poznan.

SomlegalAds

Gaadhigan ayaa siday tobanaan tan oo mac-macaanka Chocolates-ka, loo yaqaano ah oo laga sameeyo, waxyaabo kala duwan oo macmacaanada fudud iyo kuwa nacnacyada ama buskudyadu ka midka yihiin.

Gaadhigan oo xawaare sare ku socday markii uu rogmanayay, ayaa sababay togag macmacaan ah oo qariyay inta badan waddadaa kaas oo sida wabiga oo kale u rogmaday, waxaanay dadkii jidkaa isticmaalayay ku war heleen, daad Shokoole ah oo rogmanaya.

Ninkii wadaha ahaa ee gaadhigan oo waday oo dhaawac culusi ka soo gaadhay shilkaas ayaa loola cararay cusbitaal goobta ka dhawaa, waxaana halkaa u soo gurmaday boqolaal ka mid ah kooxaha gurmadka degdeg ah, kuwaas oo muddo saacado ah ay ku qaadatay inay macmacaankaa jidka qariyay ka suuliyaan.

Warbaahinta ayaa soo tabinaysay togag chocolates ah oo ka rogmaday markii gaadhigani rogmaday, waxaanay dadka badankoodu isku dayayeen inay dhan dhamiyaan oo ka faa’iidaystaan macmacaankaa jidka ugu daatay ee bilaa lacagta ah.

Kooxaha gurmadka ayaa biyo kulul u adeegsaday xaadhista macmacaankaa jidka qariyay oo sababay in muddo saacado ah, hakad ku dhaco isu socodka gaadiidka u kala goosha magaalooyinka Warsaw iyo Poznan oo ka mid ah kuwa ugu mashquulka badan qaarada Yurub iyo guud ahaan dalka Poland.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.