WorldRemitAds

Hargeysa, Somaliland, December 27, 2018 (Saxafi) – Dawladda Somaliland ayaa mar kale digniin u dirtay maamul-goboleedka Somalia ee Puntland, waxaanay uga digtay falalka iyo weerarada kala duwan ee ay ku khalkhalinayso deegaano ka tirsan gobolada Sool iyo Sanaag ee Somaliland.

Wasiirka Gaashaandhigaa Somaliland iyo Taliyaha ciidanka Militeriga Somaliland oo shalay warbaahinta la hadlay ayaa sheegay inay talaabo ka qaadi doonaan Puntland haddii ay joojin waydo gardaradda ay ciidanka Somalialnd ku hayso.

SomlegalAds

Noqo kan ugu horeeya ee hela xog – Ku Biir Boggayaga Facebook-ga

Taliyaha Ciidanka Militeriga Somaliland Saareeye Gaas Nuux Ismaaciil Taanni ayaa sheegay in muddo sanad ah ciidanka qaranka ee jiida hore ee deegaanka Tukaraq ay habeenkii rasaas ku soo ridaan ciidanka Puntland, isla markaana ay doonayso inay amniga Laascaanood khalkhaliso.

“Hadii ay joojin waayaan tuurtuurka badan waxay nagu kalifaysaa in aanu halkooda ku doonano, waxaanu diidanay in aanu khalkhal galino doorashadoodda, balse madaxweynaha Puntland wuxuu doonay in uu dagaal aanu u qaadno ka dhigto muddo korodhsi” ayuu yidhi taliye Nuux Taanni.

Sidoo kale, Wasiirka gaashaandhiga Somaliland Eng: Ciise Axmed Xawar ayaa sheegay inay Puntland ka baxday heshiishkii beesha caalamku ku dhex dhexaadiyey ee labada dhinac u dhexeeyey. “Waxa jira daandaansi joogto ah iyo rasas ay ciidanka ku soo ridayaan, inta ay Laascaanood amni darada la doonayaan oo ay khalkhal galinayaan dee suuragal noqon mayso Garowe inay nabad noqoto, way garanayaan nabadu waxay tahay ha joojiyaan tuurtuurka iyo kolba dadkan la soo abaabulayo ee magaalooyinka degan amni darada ka wadda”ayuu yidhi wasiir Xawar. Arrintan ayaa ka danbeysay ka dib markii ay soo noqnoqdeen gardarooyinka maamul goboleedka Somalia ee Punland ay ka wadaan gobolada Sool iyo Sanaag ee Somaliland.

Noqo kan ugu horeeya ee hela xog – Ku Biir Boggayaga Twitterka

Dhinaca kale, Jaamal Baaxad oo ahaa ka tirsanaa ciidanka Militariga Somaliland oo dhowaan ku biiray ciidamo ka goostay Somaliland oo saldhig ka samaystay deegaanka Qardho ee Puntland ayaa dib iskugu soo dhiibay ciidanka Somaliland, waxaanu cafis waydiistay madaxweynaha iyo taliyaha ciidanka isagoo sheegay inuu khalad uu gallay dib uga noqday oo uu dalkiisii ku soo noqday.

Taliye Jamaal Baaxad ayaa lagu soo dhoweeyey taliska guud ee Ciidanka Militariga Somaliland ee Hargeysa, waxaanu garab fadhiyey taliyaha ciidanka iyo wasiirka Gaashaandhiga.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.