WorldRemitAds

Qoraalkani waa Talo soo Jeedin uu noo soo gudbiyay Mujaahid Cali Maxamed Yuusuf (Cali Gurey), waxa uu kaga hadlayaa arrinta Saami-Qaybsiga ee la rumaysan yahay inay tahay caqabadda ugu weyn ee hortaagan qabsoomida doorashada Golaha Wakiiladda Somaliland iyo Guurtida.

Qoraalka Siyaasiga Cali Gurey ayaa isagoo dhamaystiran waxa uu dhignaa sidan:

WorldRemitAds

Noqo kan ugu horeeya ee hela xog – Ku Biir Boggayaga Facebook-ga

“Xildhibaanada Aqalka Hoose ee Baarlamaanka Somaliland (Golaha Wakiiladda) waxa la doortay muddo shan sanadood ahayd (2005 ilaa 2010) haatanna waxay fadhiyaan sanadkii 14aad. In kastoo muddo dhaaf 9 sanadood ahi aanu cudur-daar caqli-gal ah yeelan karin hadana waxa loo nisbeeyaa inay sabab u ahayd ilaa hadana u tahay saami qaybsiga 82ka kursi ee goluhu ka kooban yahay oo aan heshiis lagu ahayn oo la isku haystay ilaa hadana la isku haysto sida dadka loo sheego.

Waydiintu markaa waxay tahay horta yaa isku haysta?

Marka aynu run ka hadlayno saami-qaybsiga la isuguma haysto muxaafid iyo mucaarid, xisbiyo-na iskuma haystaan, golayaasha qarankuna iskuma haystaan eh waxa la isugu haystaa waa reero (qabyaalad). Xeerkii lagu doortay golahan muddo dhaafay wuxu ahaa in saami-qaybsiga lagu saleeyo sidii loo kala lahaa 33kii xildhibaan ee baarlamankii 1960kii. Marka dhinaca beelaha laga eego sidii ay u kala fadhiyeen 33kii kursi ee lixdankii waxa run ah in saami-qaybsigii doorashadii 2005tii aanu ku  salaysnayn baarlamankii 1960 sida xeerka laftiisu uu dhigayay marka aynu eegno natiijadii ka soo baxday. Waayo doorashadu waxay ahayd gobol-doorasho goboladana reeruhu way wada degaan hadana waxa la ogaa in ay jireen reero aan iyagu doorashada diyaar u ahayn inay ka qaybgalaan doorashada wakhtigaas oo ahaa inta badnayd beelaha aan ahayn beesha dhexe kuwaas oo saamigii ay lixdankii ku lahaayeen 33kii xildhibaan aan helin halka beelihii doorashada ka qaybgalayna ay dheeraad heleen.

Marka aynu lixdankii dib ugu noqono ee aynu eegno tirada ay beesha dhexe ku lahayd iyo tirada ay beelaha kale lahayeen waxay ahayd sidan;

 

Beelaha Bariga: 7 kuursi

Beelaha Galbeedka: 5 kursi

Beelaha LTB (Shuuriye): 1 kursi

Isugayn: 13 kursi

Beesha dhexe: 20 kursi (oo kii Cumar Dheere ku jiro)

 

Noqo kan ugu horeeya ee hela xog – Ku Biir Boggayaga Twitterka

33kii kursi marka guud ahaan 2.5 lagu dhufto waa 82.5 halka kuraasida Wakiiladda Somaliland-na ay ka yihiin 82 kursi. Hadaba marka beelaha aan ahayn beesha dhexe ay lahaayeen 13 kursi ee 2.5 lagu dhufto waxay ahayd inay yeeshaan 32.5 kursi halka doorashadii 2005tii ay heleen 25 kursi oo keliya.

Beesha dhexe waxay xaq u lahayd 82-32.5= 49.5 laakiin doorashadii Golaha Wakiiladda ee 2005 waxay ku heshay 57 kursi taas oo sideed kursi ay dheeraad ku ahaayeen oo beelaha kale  ay ka maqnaayeen. Dhinaca kale saami qaybsigii lixdankii waxa jira reer si gaar ah uga soo horjeeda sababta ay ku diidan yihiin marka la eegana ay gar tahay loona baahan yahay in tixgelinteeda la siiyo. Marka saami qaybsigii lixdankiina laga duulayo siday wax u dhaceen doorashadii 2005tiina la hayo waxa loo baahan yahay xal lagu heshiin karo oo macquul ah. Sidaa daraadeed kol hadii aynu ognahay in saami-qaybsiga caqabadda ku noqday doorashada aan gobolo la isugu haysanin ee reero la isugu haysto kama fursanayso in reernimada lafteeda loo noqdo iyadoo laga duulayo saami qaybsigii lixdankii hadana wixii aan laga maarmi karin  ee wax ka bedel ahna tixgelinteeda la siinayo.

Haddaba anigoo taa ka duulaya saami qaybsiga 2019ka waxa soo jeedinayaa sida ku faahfaahsan shaxda hoose.

Faahfaahin 1960 (x2.5) 2005 2019 Faalo
Beelaha Bariga 17.5 11 16 -1.5
Beelaha Galbeedka 12.5 14 15 +2.5
Beelaha LTB  2.5 00 2 -0.5
Isugayn 32.5 25 33  

 

Beesha Dhexe 49.5 57 49 -0.5
Isugaynta Guud 82  82 82  

Beelaha saami-wadaagga ah dhexdooda way kaga heshiin karaan sida ay u sii kala qaybsanayaan saamiga isugu jira.

Haddii soo jeedintani ay macquul noqoto farsamo ahaan sida saamiqaybsigani u suurtgeli karaa ma adka marka meesha laga saaro gobol-doorashada kuraasidana waxa lagu salayn karaa degmooyin iyo goob-doorashooyin.

F/G marka la eego natiijadii doorashadii 2005tii laba reer ayaa si gaar ah ugu dhacmay oo ugu badan inta saamigoodii ku lumay. Dhulbahante oo 12.5 lahaa wuxu helay 7 kursi oo keliya halka Ciise oo 5 kursi tirsanayayna uu helay hal kursi oo keliya. Markaa soojeedintani waxay saxaysaa gafafkii hore ee dhacay doorashadii 2005tii. Dhulbahante halkii uu 7 kursi ka helay 2005tii wuxu helayaa 12 kursi 2019ka halka Ciise oo hal kursi oo keliya helay 2005tiina uu helayo 3 kursi. Beelaha laga tirada badan yahay oo doorashadii 2005tii la qadiyay ayaa iyaguna helaya 2 kursi

Ugu dambaystii soo jeedintan anigu ma lihi 100% waa sax laakiin hadii aan tu dhaanta oo lagu heshiin karo la haynin isla markaana ay run tahay oo la doonayo inay doorashadu sanadkan qabsoonto waxay xal u noqon kartaa carqaladdii hor tagnayd doorashada sagaalkii sanadood ee ugu dambeeyay ilaa hadana aanay jirin cid xalkeeda ka hadashay.

Wa Bilaahi Tawfiiq

Cali Maxamed Yuusuf (Caligurey)

Muwaadin Danaynaya Midnimada 

Iyo Wadajirka Somaliland

Leave a Reply (Wixii Talo ah noo soo gudbi)

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.