WorldRemitAds

Nin dhalinyaro ah oo u dhashay dalka Ingiriiska ayaa si aad u layaab badan u noqday Bilyaneer lacago badan haysta, ka dib markii uu muddo bilo ah ka shaqaynayay lacagta qaabka khiyaalka ah ku shaqaysa ee Internet-ka wax lagaga iibsado.

Noqo kan ugu horeeya ee hela xog – Ku Biir Boggayaga Twitterka

SomlegalAds

Ninkan dhalinyaro-da ah oo lagu magacaabo Dan Legg ayaa wakhtigan leh diyaarad u gaar ah iyo guri fiilo ah oo kuwa lagu raaxaysto ah, waxaanu bil walba mushaharo joogta ah u qoray labadiisa waalid si aanay iyagoo gaboobay u shaqayn.

Wiilkan dhalinyarada ah oo da’diisu sagaal iyo toban jir tahay, ayaa sida jariirada Daily Mail ee Dalka Ingiriiska ka soo baxdaa ku warantay, mustaqbalkiisu madow galay, ka dib markii uu ka hadhay imtixaankii shahaadiga ahaa ee dugsiga sare, kaas oo sababta ka hakisay aan ilaa imika la garanayn.

Dan Legg oo ku saaqiday waxbarashadii aasaasiga ahayd ee dugsiga sare wuxuu ku hodmay oo ka taajiray shaqada lacagta Forex-ka loo yaqaano ee Youtube-ka lagu isticmaalo, taas oo sida warbaahinta Ingiriisku ku warantay uu khabiir sare ku noqday, kalana taliyo dadka doonaya inay maal gashi ku sameeyaan, lacagta Forex-ka.

Sida jariirada Mirror iyo Daily Mail ee dalka Ingiriiska ka soo baxaa ku warameen, wiilkan dhalinyarada ah ee Dan Legg ayaa halkii talo ee uu siinayo qof maal gaashi doonaya ku qaata, lacag kun giniga Ingiriiska £1,000, taas oo dhiganta kun iyo afar boqol oo dollarka Maraykanka ah.

Dan Legg ayaa muuqaaladiisa iyo fikradihiisa ku gudbiya bog gaar ah uu ku leeyahay shabakada xidhiidhka bulshada ee Instagram-ka kaas oo ilaa lix iyo labaatan kun oo qof kula saaxiib yihiin, waxaanu halkaa ku soo bandhigaa talooyin iyo muuqaalo muujinaya hodantinimadiisa.

Ninkan ayaa ku doodaya in tiroba dhawr bangi la soo xidhiidheen kuwaas oo ka codsaday inuu la shaqeeyo, laakiin uu diiday sida uu sheegay, waxaanu taa badalkeeda wada inuu sii xoojiyo shaqadiisa si uu guul uga gaadho, waxa kale oo uu sharaxaad ka bixinayaa dedaalka uu sameeyay awgeed inuu gaadhay heer shaqo lala baryo halkii markii hore uu isagu shaqo raadin ka dalban jiray xafiisyada iyo shirkadaha ganacsiga.

Sida warbaahinta Ingiriisku ku warantay Dan Legg wuxuu noqday macalin casharada ka dhiga Youtube-ka oo ka faalooda habka ugu fudud ee qofku u maal gashan karo Forex-ka, waxaanu ardayda ama dadka bilowga ah ka qaada sadex boqol oo gini halka kuwa heerka sare gaadhay uu kun gini oo kun iyo afar boqol oo dollar u dhigma uu ka qaado.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.