WorldRemitAds
Milyaneerka u tartamaya Musharaxnimada xisbiga Jamhuuriga ee dalka Maraykanka Donald Trump, ayaa ugu baaqay shacabka Maraykanku inay xidhiidhka u gooyaan Shirkada Apple, isla markaana ay joojiyaan inay telefoonada shirkadaasi samayso ay iibsadaan, waxaanu u soo jeediyay inay la macamilaan shirkada kale ee Samsung.

Donald Trump ayaa weerar kulul ku qaaday, Maareeyaha guud ee shirkada Apple Tim Cook, waxaanu ku tilmaamay nin canaad ah oo si fool xun ula dhaqmaya nidaamka amniga ee dalka Maraykanka, waxaanu codsaday in ninkaas cadaalada la hor keeno.
Trump oo hadalkan uu ku weeraray shirkada Apple ka jeediyay, isu soo bax taageerayaashiisa uu kula hadlayay, gobolka Nevada ee dalka Maraykanka, ayaa sheegay in shirkada Apple ay diiday inay la shaqayso hay’adaha sirdoonka ee dalka Maraykanka, gaar ahaana “FBI”-da oo ka dalbatay inay shirkadaasi siiso macluumaadka telefoonkii uu isticmaalayay nin dhawaan dalkaas weerar argagixiso ka fuliyay.
Shirkada Apple iyo laanta danbi baadhista gudaha Maraykanka u qaabilsan ee “FBI” ayaa isku maan dhaafay telefoonka uu istimaali jiray ninkii toogashada rasaaseed ka fuliyay degaanka San Bernardino ee dalka Maraykanka, kaas oo markii baadhitaanka ay sirdoonku ku samaynayeen, dhamaan xogtii iyo macluumaadkii ku jiray is masaxay.
Dhinaca kale Golaha Saree e Senate-ka dalka Maraykanka ayaa u yeedhay, Maareeyaha shirkada Apple Tim Cook, waraysina kala yeeshay sababta uu ku diiday in shirkadiisu la shaqayso “FBI”-da, codsigooda gaarka ahna ay u fuliyaan.
Waxaanu Tim Cook sheegay in sirdoonku doonayaan sidii ay barnaamij lid ku ah xuquuqda lahaanshaha ee macaamiishooda u samaysan lahaayeen, si ay telefoon kasta u baadhitaan iyo faro farayn ugu samayn karaan, taas oo meel ka dhac ku noqonaysa macaamiishooda.
In kasta oo shirkada Apple sababo u gaar ah, sumcadeeda awgeed ay uga dhego adaygayso inay la shaqayso, sirdoonka iyo laamaha amniga ee dalka Maraykanka, haddana waxa muuqanaysa in xiisada ka dhalatay wada shaqayn la’aanta ay ku kacday ay dhibaato kale ku noqon karto.
Waxaana gudaha dalka Maraykanka kor u sii kacaya, taageerada cadaadiska shirkada Apple ee lagaga dalbanayo inay wada shaqayn buuxda la samayso sirdoonka iyo baadhayaasha ku hawlan, dabal galka weerarkii toogashada rasaaseed ee dadka badani ku naf waayeen.
Waana sababta la aaminsan yahay inuu Donald Trump uga faa’iidaysanayo ololihiisa Musharaxnimada xisbiga Jamhuuriga ee dalka Maraykanka.

SomlegalAds

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.