WorldRemitAds
Shirkada Maraykanka ee samaysa buskudyada iyo macmacaanada kala duwan ee Mars ayaa shaaca ka qaaday, inay wax soo saarka buskudyadeedaas dib ugala bixi doonto, shan iyo konton dawladood oo dunida ah, ka dib markii qof ka mid ah macaamiisha buskudka Snickers uu gudaha buskudka ku arkay shay caag (Plastic) ah. 

Shirkada ayaa go’aankan qaadatay ka dib markii dalal badan oo dunida ahi ay isticmaalka buskudyada “Mars”, “Snickers”, Celebrations iyo Mini Mix,” ka joojiyeen suuqyada waddamadooda, waxaana sida wararku sheegayaan wax soo saarka shirkada Masr ee buskudyada iyo macmacaanadeeda kala duwan soo food saaray, khasaare iyo fadeexadii ugu waynayd.
Fadeexada buskudyadan ayaa ka bilaabantay dalka Holland, ka dib markii haweenay u dhalatay dalkaasi ay gudaha buskudka “Snickers” ku dhex aragtay shay caag ah oo ku guda jira, kaas oo markii la baadhay la ogaaday inuu yahay caag si badheedh ah loogu soo dhex daray uguna jiray buskudka ay haweenaydani iibsatay.
Dhacdadan oo ahayd 5, January 2016-ka, ayaa laga soo bilaabo xiligaas waxa maalin walba la soo warinayay fadeexado iyo waxyaabo kale oo lagu arkay buskudyada shirkada Mars, taas oo ugu danbayntii sababtay in shirkadaasi shaaca ka qaado inay 55-dawladood oo dunida ah kala noqon doonto, suuqyadoodana dib uga celin doonto buskudyadeeda “Mars iyo Snickers”.
Dalalka ay sheegtay shirkada Masr inay suuqyadooda kala bixi doonto buskudyadaas, ayaanay ku jirin, waddamada afrika ee saxaraha ka hooseeya, kuwaas oo Somaliland ay ka mid tahay, sidaa darteed waxa haboon in hay’adaha ku shaqada leh ee dalkeenu ay fiiro gaar ah siiyaan, dibna u hubiyaan buskudyadaas oo suuqyada dalkeena laga helo.

SomlegalAds

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.