WorldRemitAds
Ceerigaabo, Somaliland, March 3, 2016 (Saxafi) – Mudaharaad lagaga soo horjeeddo dilka taliyaha qaybta gobolka Saaxil ayaa shalay ka dhacday magaaladda Ceerigaabo ee gobolka Sanaag oo sarkaalkaasi ka soo jeeddo, iyagoo ku baaqayey in si degdeg ah loo soo qabto cidii dilkaasi samaysay.

Isku soo baxan ayaa markii dambe isku bedelay mid dadku ku shiidayeen ciidanka amaanka ee magaaladdaas, kuwaas oo doonayey inay ka hor tagaan mudaharaadkaasi, waxaaana dhagaxaan lagu dhaawacay saraakiil ka tirsan ciidamaddii isku dayey inay mudaharaadkaasi baajiyaan sida uu warbaahinta u sheegay gudoomiyaha gobolka Sanaag Axmed Fallaay.
Mudaharaad laga soo horjeeddoGuddoomiyaha gobolka Sanaag Axmed Cabdi Fallay ayaa sheegay in xaaaladda gobolku hadda degan tahay, hayeeshee dad ka xun dilkaaasi taliyaha qaybta gobolka Saaxil ee la dilay isku soo baxeeen, kuwaas oo dhaawacyo dhagaxaan u badan u geystay saraakiil ka tirsan ciidankii amniga sugayey.
“Gobolka Sanaag imika wuu degan yahay, waxaana maanta (shalay) ka dhacay isku soo bax, inkastoo markii dambe woxooga dhagax tuur ahi ka dhacay, waxaana tacsi u dirayaa Gaashaanle Caseyr oo ahaa taliyihii qaybta gobolka Saaxil oo ahaa nin balaadhan oo aanu soo wada shaqaynay, waana ku xumahay dilkaasi”ayuu yidhi guddoomiyaha gobolka Sanaag Axmed Cabdi Fallaay oo ka hadlayey xaaladda gobolkaasi ku sugan yahay mudaharaad ka dhacay shalay ka dib.
Guddoomiyuhu wuxu sheegay in mudaharaadkani ka dhashay dilka loo geystay sarkaalkaasi gobolka Saaxil lagu dilay, waxaanu yidhi “Gobolkuna wuu fiican yahay imika marka laga reebo dhagxaan lagu dhuftay dhawr askari, arrintunu waxay ka kacday marxuumkaasi la dilay, waxaan leeyahay reer Ceerigaabo walaalayaal balan bay xukuumadu ku qaaday in la soo qabto gacan ku dhiigleyaashii taliyaha dilay, waxana leeyahay is dajiya oo amniga inoo adkeeya, waana balan in talaabadda ugu horeeya ka qaadi doonto budhcadaasi”
Dhinaca kale, ciidanka amniga ayaa iyaguna ciidan badan geeyey magaaladda Berbera, isla markaana baadhitaan xoog leh gallay sidii loo soo qaban lahaa gacan ku dhiigleyaashii dilkaasi sarkaalka gaysatay.

SomlegalAds

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.