WorldRemitAds
Sida aynu dhamaanteen ka wada dheregsanahay Abuurka Illaahay waa mid noocyo badan, isla markaana mucjiso ah, waxaa isagu la mid ah cilmiga oo ah wax aan la koobi karin oo aan dhamaystirmayn ilaa dunidu ka gabo gabaysmayso, Muslim ahaan waxaynu rumaysanahay in Abuurka dunida iyo noolayaasha kala duwani yihiin kuwo in aynu ku cibro qaadano inooga baahan.

Haddii aynu araarta intaa kaga gudubno waxa labadii sanadood ee u danbeeyay culimada sayniska ee Dunidda gaar ahaan kuwa dalka Ingiriiska ka yaabiyay, Shimbiro ku nool beer lagu dhaqo duur joogta oo ku taala Degaanka Nottinghamshire loo yaqaan ee dalka Ingiriiska.
Shinbirkan ayaa marar kala duwan midabka oogadiisu is badashay, waxaanay dhakhaatiirta cilmiga bayoolajiga ee daraasaynayay ay la yaabeen sababaha is badalka, kala duwan ku keenaysa midabka Shinbirkan.
Sida ay ku warantay jariirada Daily Mail oo qoraal lagaga hadlayay shinbirkaas baahisay, waxa markii hore la moodayay in uu ku dhacay, xanuun shinbiraha ku dhaca oo keena in midabkoodi asalka ahaa is badalo, hasa yeeshee ay ka yaabisay markii maalmo gudahood uu marba midab yeeshay.
Qaabka uu midabka shinbirkani isku bad badalayo ayaa ah mid la yaab leh, sababtoo ah, markasta oo midabkiisu is badalo waxa uu noqonaya ama u wada ekaanayaa midabka cusub ee uu isku badalay, mana rumaysan karo qofka aan hore u arag in shinbirkaasi tusaale ahaan, madow ahaa marka uu arko isagoo cadaan ama casaan ah.
Noolayaasha midabkooda badala uu bariga ku nool waxa aadamigu si wayn u wada yaqaanaa, mid ka mid ah xamaaratada oo lagu magacaabo Jirjiroolaha, hasa yeeshee araga shinbirkan marba midabka la soo baxayaa wuxuu ku noqday dhakhaatiirta mid ka yaabiyay oo ay garan waayeen waxa sababay.
Jirjiroolaha ayaa la wada yaqaana in marba meesha uu fuulo uu isku ekaysiiyo, laakiin shinbirkani isagoo maanta oo kale midab ah ayuu barina midab kale noqonayaa sidaa waxa yidhi, agaasimaha beerta shinbirkaasi ku jiro oo laba sanadoodba daba gal iyo baadhitaan ku samaynayay.
Noolayaasha midabadooda badala waxa ka mid xayawaano ku nool badda iyo kuwo kale oo xamaaratooyinka ka mid ah, laakiin waa markii ugu horaysay ee la arko shinbir marba midab isku badalaya.

SomlegalAds

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.