WorldRemitAds

Kooxda Liverpool ayaa ku guuleysatay codsi ay u dirtay maamulka horyaalka Ingiriiska ee Premier League, kaas oo ay ku doonaysay in loo ogolaaday in maaliyaddeeda ay ku tolato calaamadda Dahabiga ah ee FIFA ee Koobka Naadiyada dunida ee Club World Cup.

Wargeyska Telegraph ee ka soo baxa UK, ayaa waxa uu sheegay inuu xog khaas u ah ku helay in Liverpool ay heshay fasax hal kulan oo Horyaalka Ingiriiska ah ay funaanaddeeda ku dhejinayso calaamadda Club World Cup oo ay taageereyaasheeda kula dabaal-degayso guushii tartankaas.

SomlegalAds

Noqo kan ugu horeeya ee hela xog – Ku Biir Boggayaga  [wp-svg-icons icon=”twitter-2″ wrap=”i”] @Saxafi

Wargeysku waxa uu sheegay in Reds aanay calaamaddan isticmaali doonin ciyaarta ay berri u tegayso Leicester City, laakiin ay naqshad gaar ah samaysan doonto maalinta Axadda ah ee toddobaadka soo socda oo ay garoonka Anfield ku soo dhoweyn doonto Wolves.

Calaamaddan oo ah ‘Calaamad Sharafeed’ ayaa waxay Liverpool ku heshay hanashadii Club World Cup-ka, waxaase ka diiday in ay Premier League ku ciyaarto maamulka horyaalka Ingiriiska oo adeegsanaya sharci ka xakamaynaya kooxuhu inay astaamo laga keenay tartamo kale ay ku soo dhejistaan funaanadahooda.

Liverpool ayaa u qoondaysay in cabbirka Calaamaddu uu noqdo 78 Milimitir oo dhererka ah iyo 57 milimitir oo ballaca ah oo badhtamaha funaanadda oo ku beegan xabbadka lagaga dhejin doono funaanadda ay ku ciyaari doonaan.

Calaamaddan Dahabiga ah ayay FIFA soo saartay sannadkii 2006 markii uu Talyaanigu ku guuleystay Koobkii Adduunka, waxaana nasiib u yeeshay in ay markii ugu horreysay xidhaan xiddigihii Koobka u qaaday Talynaaiga.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.