WorldRemitAds

Man City vs Liverpool – Kooxda Manchester City ayaa ku waajahaysa Liverpool Ciyaar Maryo dhiigle la kala furan doono wax ka yar saacad kadib (caawa 11:00 wakhtiga Bariga Afrika/Hargeysa), taasi oo loo badinayo inay noqoto ciyaartii caddayneysay cidda qaadaysa horyaalka Sannadkan ee Premier League.

Liverpool 54 dhibkood ayay ka urursatay 20 ciyaarood, halka City ay ka heshay labaatankeedii kulan ee ay yeelatay, 47 dhibcood.

SomlegalAds

Noqo kan ugu horeeya ee hela xog – Ku Biir Boggayaga Facebook-ga

Haddii Liverpool guuleysato ciyaarta, waxay qayb ahaan xaqiijin doonaan inay ku guuleysanayaan horyaalkoodii koowaad tan iyo sanadkii 1990 kii. Si kastaba ha ahaatee, haddii Man City guushu raacdo kulankan, waxay iyaduna dib ugu soo noqon doontaa jidkii hirdanka ay ugu jirtay inay horyaalka sanadkan iyadu calfato.

Labada tabobare ee labada kooxood kala hogaaminayaa, waa Pep Guardiola iyo Jurgen Klop, waxay u hub urursanayaan sidii uu mid kasta naadigiisa ugu soo hoyn lahaa guusha ciyaartan xaasaasiga ah.

Waase, Guardiola macalinka culayska ugu badan saaran yahay, isla markaana guusha hamuunta ugu badan u qabaa, maadaama kooxdiisa hogaanka lagaga hayo todoba dhibcood.

Noqo kan ugu horeeya ee hela xog – Ku Biir Boggayaga Twitterka

Halkan waxaynu ku milicsan doonaa, saddex qodob oo muhiim ah, kuwaas oo go’aamin doona natiijada ciyaartan maryaha dhiiga leh la kala furan doono.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.