WorldRemitAds

Hargeysa, Somaliland, November 25, 2018 (Saxafi) – Ciyaaryahan Kubadda Kolayga heerka ugu sareeya ka gaadhay, Islamarkaana kaalmo muuqda kaga jiray naadiyadda dalka Maraykanka ka ciyaara NBA oo loo daba fadhiisto ciyaarta ayaa maalmihii ugu danbeeyay ku sugnaa Jamhuuriyadda Somaliland.

Ciyaaryahan Wacdarro Ka Dhigay Kubadda Kollayga Maraykan Oo Somaliland Booqasho Ku JoogaCiyaaryahan-kan oo lagu magacaabo Maxamed Abdul Ra’uuf iyo xubno ka tirsan hay’adda ‘Amoud foundation” oo dalka ku soo casuuntay ayaa shalay booqashooyin kala duwan ku maray goobo kala duwan, iyaddoo lagu qaabilay sidoo kale Qasriga Madaxtooyadda Somaliland.

SomlegalAds

Maxamed Abdul-rauf iyo madaxda Hay’ada AMOUD FOUNDATION waxaa ay sidoo kale booqdeen oo lagu soo dhaweeyay doraad Garoonka kubadaha gacmaha ee Timacadde ee magaalada Hargeysa oo loogu qabtay islamarkaana ciyaartoygu kaga qaybgalay tartan lagu maamuusay oo kubbada Koleyga ah, sidoo kale, waxaa uu booqday oo lagu soo dhaweeyay Jaamacadda Camuud ee magaallada Boorama.

Ciyaaryahan Wacdarro Ka Dhigay Kubadda Kollayga Maraykan Oo Somaliland Booqasho Ku JoogaKa sokow goobahaas waxaa ay booqdeen xaafadaha dadka barakacay ay ku nool-yihiin ee tusaale ahaan dulleedka Naasahablood ee magaallada Hargeysa oo ay taageerro u geysan doonaan. Iyaddoo sidoo kale qorshuhu yahay in garoommada kubadda iyo kaalmaha ay hay’adda Amoud caawimooyinka ka geysataba uu taageero ka geysto.

Ciyaaryahan Wacdarro Ka Dhigay Kubadda Kollayga Maraykan Oo Somaliland Booqasho Ku JoogaTaariikh ahaan waxaa uu wacdaraha ugu weyn ka dhigay NBA-da maraykan xili ciyaareedkii 95-96 oo uu dhulka jiiday naadigii uu hoggaaminayay Jordan oo waqitgaas aan kooxdiisa dhinaceedda dhulka la dhigi jirin. Waxaanad ka helli kartaa Ciyaartaas Michael Jordan vs Mahmoud Abdul Rauf youtube. Waxaana ay dhacday February 4, 1996. Waana tusaale yar oo lagu oggaan karro heerka ciyaaryahankani ka gaadhay Kubadda gacanta

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.