WorldRemitAds

Kooxda Liverpool ayaa tartankooda xilli-ciyaareedka cusub ee sannadka ku bilaabay ciyaartoodii u horeysay ee shalay ay la ciyaareen West Ham United, guul 4-0 ay kaga adkaadeen ciyaar garoonkooda Anfied ku dhexmartay, taas oo ahayd ciyaartii koowaad ee ay Liverpool ciyaarto.

Goolasha waxa furay xidiga reer Masar ee Maxamed Salaax kaas oo dhaliyay goolkii u horeeyay ee kooxda xilli-ciyaareedkan, kadib markii uu shabaqa ku hubsaday kubadda daqiiqadii 19aad, waxaana goolasha labaad iyo saddexaad raaciyay oo dhaliyay ciyaartoyga reer Senegal ee Sadio Mane oo kala dhaliyay daqiiqadihii 45aad iyo 53aad, waxaana goolasha Liverpool soo geba-gabeeyay Sturridge oo goolka afraad dhaliyay daqiiqadii 88aad, taas oo keentay in Liverpool ciyaartaas ka qaato saddex dhibood ee u horeeyay tartanka sannadkan.

SomlegalAds

https://twitter.com/MoSalah/status/1028711140300345344

Laakiin arrinta xiisaha badan waxay ahayd markii daqiiqadii 81aad uu garoonka soo galay ilmo yar oo taageero ah, isla markaana uu toos u abaaray xidiga Maxamed Salaax oo bogga ka galay taas oo uu ciyaartoyguna si diiran wiilka yar laabta ugu qabtay kadib uu u soo galbiyey dhinaca tarabuunka.

Sidoo kale taageerayaasha Liverpool ayaa iyaguna bilaabay heeska caanka noqotay ee ay ugu heesaan xidiga reer Masar Maxamed Salaax oo ay mar walba garoonka ay ka dhex qaadaan. “Taas oo kelmado ka mid ahi ay odhanayaan Salaax haddii aad Muslim tahay waanu kula muslimaynaa.”

Mucjisada reer Masar Maxamed Salaax, ayaa xilli-ciyaareedkii hore kooxdiisa Liverpool u dhaliyay 44 gool, waxaanu ku guulaystay ciyaartoygii ugu fiicnaa uguna gooldhalinta badnaa tartanka Horyaalka Premier League, waxaanu ciyaartii shalay muujiyay inuu sannadkana guushii iyo ciyaar-wanaagiisa halkii ka sii wadayo, iyadoo taas ay dheertahay in kooxdiisu sannadkan ay soo iibsatay ciyaaryahano buuxinaya gal-daloolooyin kooxda ka hor istaagay inay sannadkii hore ku guulaysato horyaalka Ingiriiska iyo horyaalka kooxaha Yurub ee Champions League oo ay ciyaartii kama-dambaysta iskaga horyimaadeen kooxda Spanishka ah ee Real Madrid oo iyadu ku guulaysatay koobkaas kadib markii Salaax oo aad looga baqay uu dhaawac badheedh ah oo dunida oo dhami ka qaylisay uu u geystay difaaca Real Madrid Ramos.

https://twitter.com/TheAnfieldWrap/status/1028625807294513152

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.