WorldRemitAds

Xidiga Xulka Masar iyo Kooxda Liverpool, Maxamed Salaax ayaa difaacday isla markaana sannadkii labaad oo xidhiidh ah ku guulaystay abaalmarinta Ciyaartoygii ugu fiicnaa kubadda cagta Qaaradda Afrika ee sannadkii dhammaatay ee 2018 “African Player of the Year”, isagoo hore isla abaalmarintan ku guulaystay sannadkii ka sii horeeyay ee 2017.

Noqo kan ugu horeeya ee hela xog – Ku Biir Boggayaga Facebook-ga

SomlegalAds

Maxamed Salaax ayaa sanadkii 2017 kii markii ugu horaysay ku guulaystay abaalmarinta xidiga qaaradda Afrika ugu fiican laakiin waxa uu awooday in uu markale sii watay difaacashada abaal marintan waxaana hadda loo doortay in uu Salaax ahaa xidigii Afrika ugu fiicnaa sanadkii dhamaaday ee 2018.

Maxamed Salaax Oo Ku Guulaystay Abaalmarinta Xidiga Afrika
Maxamed Salaax ayaa jebiyay rikoodhkii gooldhalinta Premier League xilli-ciyaareedkii 2017-18, kadib markii uu dhaliyay 32 gool

Haddii uu Maxamed Salaax ku guulaystay abaalmarinta ugu fiican qaaradda Afrika, xidiga Real Madrid amaahda kaga maqan ee Achraf Hakimi oo waqti layaableh ku qaadanaya kooxda Borussia Dortmund ayaa loo doortay da’yarkii Afrika ugu fiicnaa 2018.

Maxamed Salaax ayaa soo bandhigay qaab ciyaareed layaableh intii uu kooxda Liverpool joogay waxayna taasi ka caawisay in uu sanadkii labaad oo xidhiidh ah uu difaacday abaalmarinta xidiga sanadka ee qaarada Afrika ugu fiican.

Xidiga Maxamed Salaax ayaa codbixintii abaalmarinta xidiga qaaradda Afrika ugu fiican waxa uu ku garaacay saaxiibkiisa Liverpool ee Sadio Mane iyo xidiga kooxda Arsenal ee  Pierre-Emerick Aubameyang oo ahaa labada xidig ee la tartamayay.

Sadio Mane ayaa sanadkii labaad oo xidhiidh ah guuldaro kala kulmay saaxiibkiisa Liverpool ee Maxamed Salaax wuxuuna xidiga reer Masar awooday in laba sanadood oo xidhiidh ah uu wada difaacday abaalmarinta CAF ee xidiga sanadka ee Afrika ugu fiican iyo waliba abaalmarinta BBC ee xidiga qaaradda Afrika ugu fiican “BBC African Footballer of the Year“.

Maxamed Salaax Oo Ku Guulaystay Abaalmarinta Xidiga Afrika
Maxamed Salaax ayaa sidoo kale ka mid noqday Kooxda ugu fiican Afrika oo ay toddoba ciyaartoy oo ka mid ahi Premier League ka ciyaaraanpool

Sidoo kale Maxamed Salaax ayaa ka mid noqday 11 ciyaartoy ee loo soo xulay inay ka mid noqdaan kooxda sannadka ee ciyaartoyda Afrika “Africa Best XI for 2018”, iyadoo 11 ciyaartoy oo toddoba ka mid ahi ka ciyaaraan Horyaalka Premier League ay sidoo kalena ka mid ahaayeen Sadio Mane iyo Naby Kieta oo ay kooxda Liverpool u wada ciyaaraan.

Kooxda Afrika ugu fiicnayd ayaa sidoo kale waxa ka mid ahaa Aubameyang oo Arsenal u ciyaara, Riyad Mahrez oo Manchester City u ciyaara, Eric Bailly oo Manchester United u safta iyo xidiga kooxda Tottenham ee Serge Aurier. Halka afar ciyaartoy ee kale ee aan ka ciyaari Premier League ay kala ahaayeen: Medhi Benatia oo u ciyaara Juventus, Kalidou Koulibaly oo u safta Napoli, Thomas Partey oo isna u ciyaara kooxda Atletico Madrid iyo goolhaye Denis Onyango oo u ciyaara kooxda Mamelodi Sundowns. .

https://twitter.com/FIFAWorldCup/status/1082749339183783936

https://twitter.com/LFC/status/1082739852045680640

https://twitter.com/brfootball/status/1082234038293807105

26 jirkan ayaa hore ugu guulaystay abaalmarinta BBC ee ciyaartoygii ugu fiicnaa Afrika sannadkii 2018, halka uu kaalinta lixaad ka galay abaalmarinta Ballon d’Or.

Noqo kan ugu horeeya ee hela xog – Ku Biir Boggayaga Twitterka

Xidigan ayaa 44 gool u dhaliyay kooxdiisa Liverpool xili-ciyaareedkii 2017-18, kaas oo uu ka caawiyey inay kooxdiisu timaado ciyaartii kama-dambaysta ahayd ee Horyaalka Kooxaha Yurub “Champions League”, ka hor intii aanu laba gool ka dhalin tartankii koobka adduunka ee xagaagii ina dhaafay.

Sidoo kale 16 gool ayuu ilaa hadda dhaliyay 29 ciyaarood oo uu u saftay kooxdiisa Liverpool dhammaan tartamada oo dhan xilli-ciyaareedkan, halka uu xulkiisa Masar u dhaliyay afar gool saddex ciyaarood oo uu xulkiisa Masar u saftay tartanka is-reeb-reebka koobka Qaaradda Afrika ee sannadka 2018.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.