WorldRemitAds

Muran iyo dood balaadhan ayaa ka taagan nidaamka garsoorka Aaliga ah ee (VAR), kaas oo loo soo gaabshay, “The Video Assistant Referee (VAR)”, kaas oo si rasmi ah xidhiidhka kubada cagta adduunka ee “FIFA”, ku soo kordhiyay, ku dhaqankiisa koobka adduunka 2018-ka ee dalka Ruushka ka qabsoomaya.

Nidaamkan oo sida muuqata loogu talo galay inuu xoojiyo garsoorka ciyaaraha, isla markaana cadaaladda wax ka taro, waxa markiiba ka bilaabmay muran iyo dood lagu naqdiyayo, sababtoo ah? Cadaalad darada lagula kacayo kooxaha taagta yar ee Afrika iyo Eeshiya ka socda, oo iyagu mar walba ka cawda garsoorka FIFA.

SomlegalAds

Nidaamkan oo sidaan hore u soo xusnay ku dhaqankiisa si rasmi ah loogu fuliyay koobka adduunka ee dalka Ruushka ka socda, ayay dadka badankoodu ku tilmaameen, mid wax u taraya kooxaha waaweyn ee hore looga caban jiray in loo eexanayo.

Waxaanay dadka sida wayn u dhaliilaya nidaamkan cusub ee (VAR)-ku daliil u soo dhigayaan ciyaartii Morocco iyo Spain oo cadaalad daradii ugu xumayd ee garsoorku ka dhacay, taas oo si aad uga fog cadaalada loogu eexday xulka qaranka ee dalka Spain, sababna u noqday in Morocco ka hadho Tartanka Ciyaaraha Adduunka.

Garsoorkan muuqaalka ah ee (VAR) ayaa dhawr ciyaarood natiijadooda loogu xalaashaday, taas oo sida muuqata hiil kale oo hor leh siinaysa kooxaha waaweyn ee dalalka Yurub u badan, sida dad badani ay ku doodayaan, xulalka dalalka Spain iyo Portugal ayaa nidaamkan ku faa’iiday, waxaana labadoodaba u suura gashay inay ka badiyaan labadii kooxood ee ay la ciyaarayeen oo ka socday Afrika iyo Eeshiya.

Qaar ka mid ah warbaahinta dalka Spain ayaa si cad ugu mahad naqay nidaamkan garsoorka ee FIFA u adeegsatay ciyaarti dalkoodu kaga adkaaday, waddanka Morocco, tusaale ahaan jariirada ugu wayn ciyaaraha ee dalka Spain oo lagu magacaabo, Mundo Deportivo, ayaa ciwaankeeda koowaad ka dhigatay, “Mahadsanid nidaamka garsoorka muuqaalka ee VAR”.

Dad badan oo ciyaaraha ka faalooda ayaa ka biyo diiday xukunkii nidaamkani riday ee lagu xalaaleeyay goolkii labaad ee bar bar dhaca keenay, waxa kale oo si wayn loo dhaliilay ciyaartii Portugal iyo Iran oo nidaamkani xulka dalka Iiraan si cadaan ah uga eexday.

Dadyowga ka mudaaharaadaya nidaamkan ayaa adeegsaday halku dhegyo ay ka mid yihiin, “VAR No For Africa Iyo VAR is Only made for the Pig teams. Halku dhegyadaas oo dhamaantood muujinaya sida nidaamkan looga biyo diiday, waxaanu ka mid noqday waxyaabaha ugu muranka iyo dooda badan ee sida wayn u hadheeyay koobka adduunka 2018-ka ee dalka Ruushka.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.