WorldRemitAds

Moscow, Russia, July 16, 2018 (Saxafi) – Calammo laba darsin ku dhow oo ay ku jiraan Somaliland iyo Kosovo Calamadooda ayaa laga mamnuucay ama aan laga ogolayn in lalla gallo garoomadda ay ka dhacayeen Ciyaaraha Koobka Adduunka ee Xalay la soo gebagabeeyay.

Dhukumenti uu soo bandhigay Wargeyska The New York Times ayaa waxaa lagu muujiyay astaamaha iyo calamadda aan loo ogoleyn In lala gallo garoomadda ay ka socdeen ciyaaraha koobka aduunku.

SomlegalAds

Dhukumentiga waxaa ka muuqda Calanka Somaliland ee Tawxiidku ku xardhanyahay, kan dalka Kosovo ee Khariiadda Dahabiga ah dhexda kaga taallo. Iyo sidoo kale callamo badan oo kale sida ka Taiwan, Calan hore ay u lahayd Iran, kan Al-Shabaab, ka kooxda Daacish iyo calamadda waddamo kale oo aan la aqoonsaneyn sida ka Catalaanka Isbayn.

Wargeysku waxa uu si gaar ah u tilmaamay in Xidhiidhka kubadda cagta ee Kosovo uu ugu dambeyntii helay laba sano ka hor inuu si buuxda uga mid noqdo Xubnaha ururka Ciyaaraha Adduunka ee FIFA. Laakiin, taasi aanay u saamixin in calankiisa laga saaro liiska calamada mamnuuca ka ah garoomadda ee taageerayaashu sitaan. Waxaana tani u muuqatay tallaabo ay isku ogaayeen sidda wargeysku xussay Fifa iyo qabanqaabiyayaasha Ruushka ee marti geliyay oo aan isagu ogolayn Kosovo, gaar ahaan.

Dhukumenti todoba bog ka kooban oo ay ku sawiran yihiin astaamaha ka mamnuuca ah ayaa la dhigay meelaha laga gallayo garoomadda.

Afhayeen u hadlay FIFA ayaa email loo diray ku sheegay in FIFA ay u ogolaatay calamada 211 xubnood ee ku midaysan ururkan in lala tago garoomada ciyaaraha, waxaanu su’aal ka keenay arrinta guddiga qabanqaabada Ruushka.

Laakiin, Wargeysku waxaa uu sheegay in Guddigu aanay ka jawaabin codsiga wax lagaga weydiiyay arrintan.
In kasta oo dagaal iyo xasuuq ka dhacay 1990-kii dalkas, waxaa Kosovo ka go’day Serbia 2008-dii waxaana aqoonsaday inta badan Qaramadda Midoobay iyo midowga Yurub. Laakiin, taas waxaa ka horyimid Ruushka iyo Serbia oo diiday dawladnimadeedda.

Sidoo kale, Somaliland ayaa tan iyo 1991-kii ka madaxbanaanayd Somalia, in kasta oo aanay dunnida sidoo kale ka hellin aqoonsi rasmi ah.

Fifa waa ay ka cudur daaratay Taiwan calankeedda iyo Kosovo. Laakiin, waxaa ay ku dooday in Catalnka Doonaya inay ka go’aan Isbayn ay u arkaan astaan siyaasadeed oo aan looga baahnayn garoomadda.

Si kastaba ha ahaatee, Xalay waxaa si weyn dhamaan dunnida looga daawnayay cayaartii kama danbeysta ahayd ee koobka kubadda Cagta adduunka. Kullanka xalay oo uu Xulka Faransiiska ku guuleystay markii labaad koobka adduunka kaddib markii kaga badiyay xulka Croatia 4-2 ciyaartii kama dambaysta ahayd oo lagu soo gabagabeeyay magaalada Moscow ee dalka Ruushka. Ayaan dadweynaha ka qayb qaadanayay daawashadeedda ee Somaliland, Kosovo iyo labada darsin ee kale ee laga mannuucay calamadoodu baddi ka war hayn In aan laga jeclayn garoomaddan.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.