WorldRemitAds

Brussels, Belgium, July 16, 2018 (Saxafi) – Waxaa shalay galab ka dagay garoonka diyaardaha magaalo madaxda wadanka Belgium ee Brussels laba wefti oo ay kala hogaaminayeen Madaxweynayaasha maamulada Puntland Cabdiweli Gaas iyo Jubaland, Axmed Madoobe, ee Somalila kuwas oo Xukuumadda Somalia ku kala reebtey gudaha garoonkaas.

Axmed Madoobe oo sida shacabka iskaga lugaynaya Madaarka Brussels, kadib markii dawladda Farmaajo ka reebtay Liiska Madaxda Soomaalida ee VIP-da lagu soo dhawaynayo

Weftiga maamul goboleedka Puntland ayaa waxaa qaban-qaabiyaasha shirkan oo ay hageyso safaarada Soomaaliya ku leedahay dalka Belgium ay u leexiyeen qaybta VIP halka Axmed Madoobe iyo xubnihii la socdey ay ka baxeen iridka rakaabka caadiga ahi ka baxaan halkaasoo uu kula kulmey shacabkii iyo qaar ka tirsan madaxda maamulkaas oo ku sugayey halkaas.

SomlegalAds

Madaxweynaha Puntland oo guddooomiye u ah golaha maamulada Soomaaliya isla markaana diyaarada la saarnaa Madaxweynaha Jubaland ayaa ogolaadey sida ka muuqatey Video toos ah oo baraha bulshada kasoo muuqdey in dawlada Farmaajo kala qaybiso labada wefti islamarkaana kala siiso hab maamuus kala duwan “Protocol.”

Dhinaca kale, Cabdiweli Gaas oo muddo xileedkiisu ku egyahay sanadkan dhamaadkiisa ayaa dad aan ka badneyn tobaneeyo ruux ku soo dhoweeyeen albaabka VIP da ee garoonka diyaardaha Brussels halkaasoo uu ka qaadey gaadhi kali ahi, kasoo ay ku qoreyneyd calamaada shirka loo qabanayo madaxda Soomaaliya.

Maamulka Jubaland iyo Villa Soomaaliya ayaa waxaa wayadaan dambe u dhexeeyey Khilaaf xoogan kaas oo sababey in magaalada Kismayo dib looga soo celiyo abaanduulihii ciidamada dawladda Somalia oo damacsanaa inuu ka dego magaalada Kismaayo.

Dawladda Farmaajo ayaa waxay si aan qarsoodi aheyn ugu mashquulsan tahay sidii khalkhal siyaasadeed ay ugu sameyn laheyd Jubaland iyadoo qaar ka tirsan gobolada uu maamulkaasi ka arimiyo gaar ahaan gobolka Gedo u dhiseysa ciidamo ka madax banaan Kismaayo.

Waxaa hore khilaaf muddo qaatey xalintiisa u dhexmarey maamulka Jubaland iyo dawladii uu Madaxweynaha ka ahaa Xasan Sheekh ee Somalia kasoo markii dambe ku dhamaadey in Villa Somalia aqbasho dhismaha maamul goboleedkan oo ay hortaagneyd xiligaas.

Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa waxaa la filayaa dabayaaqada sanadka soo socda in maamulkiisa ay ka dhacdo doorasho, taasoo sababtey in dawlada Farmaajo martigaliso siyaasiyiin mucaarad ku ah kuwasoo shirar ku qabsadey magaalada Muqdisho.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.