WorldRemitAds

Caawa abaaro 8:30pm (Caweysnimo) waxa ciyaar iskaga hor iman doona kooxaha Liverpool iyo Arsenal, kuwaas oo la filayo inay saddexda furimood ee hoos ku taxan uun ku kala guulaysan doonaan.

Liverpool oo doonaysa inay hoggaanka sii xejisato amaba haddii ay siibtaan kuwa ku xigaa ay sii badsato dhibcaha ayaa waxay soo dhoweyn doontaa Arsenal oo ay isku haleeli doonaan kulanka ugu dambeeya sannadka 2018.

SomlegalAds

Noqo kan ugu horeeya ee hela xog – Ku Biir Boggayaga Facebook-ga

Tababare Klopp oo aan kooxdiisa illaa hadda mar kaliya laga adkaanin ayaa waxa uu kulankiisii 20-aad ee horyaalka raadin doonaa guul kale oo u noqon doonta middii 9aad oo xidhiidh ah, taas oo ah rikoodh ay sannado badan raadinayeen, laakiin Arsenal oo kulankii Khamiistii garoonkeeda Emirates barbar-dhac ku gashay, ayaa waxay samayn doontaa wax kasta oo ay dhibcaha kaga qaadan karto Anfield ama aanay faro-madhnaan kaga tegi lahayn.

Labada meelood ee ay aadka uga xooggan tahay Liverpool waa weerarkeeda daadka ah ee saddexleyda Mane, Salah iyo Firmino oo loosoo gaabiyo MSF iyo khadkeeda difaaca ee sida fudud iskaga qabta khatar kasta oo ku timaadda, kuwaas oo uu hoggaamiyo Virgil van Dijk oo kooxda ka dhigay midda ugu difaaca adag Premier League xili ciyaareedkan, illaa haddana laga dhaliyey 7 gool oo kaliya.

Inkasta oo Liverpool jewigaas wanaagsan ku jirto, haddana waxay ka walaacsan tahay weerarka Arsenal ee ay hormoodka u yihiin Aubameyang iyo Lacazette, kuwaas oo sababay in kooxdoodu dhaliso 41 gool, taas oo laba kaliya ka hoosaysa tirada goolasha Liverpool dhalisay.

Dagaalka labada kooxood wuxuu noqon doonaa mid ka yimaadda saddex meelood oo kooxda ku awood badnaataa ay hubaal tahay inay guushu raaci doonto, waana qodobbo taxan min weerar illaa difaac oo taatikada tababareyaashuna qayb weyn ku leeyahay.

Saddexda furimood ee dagaalka maanta ee kooxaha Liverpool iyo Arsenal ayaa waxay yihiin sidan:

Guji si aad u akhrido warbixinta oo dhan Boggaga 2, 3, iyo 4

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.