WorldRemitAds

Saddexda Furimood Ee Ay Ku Kala Guulaysan Doonaan Liverpool Iyo Arsenal
Mohamed Salah vs Sokratis

3 Mohamed Salah vs Sokratis

Xiddiga reer Masar ee Mohamed Salah, waa khatarta ugu weyn ee Arsenal waajahayso, waxaana uu kusoo beegmayaa kulankoodani xilli uu kala daadsan yahay difaaca Gunners oo dhaawacyo tiro badan ay hadheeyeen. 90-ka daqiiqadood ee ciyaartu socoto, waxay la halgami doonaan inay maare u helaan Mohamed Salah, Roberto Firmino iyo Sadio Mane oo ugu darsami doono Xherdan Shaqiri.

Salah hal gool oo kaliya ayuu ka hooseeyaa Aubameyang oo hoggaaminaya tartanka gool-dhalinta Premier League, waxaana uu fursad u heli doonaa in ninka ay isku qaaradda yihiin ee reer Gabon uu geed iska xidho, kalana wareego hoggaaminta, taasna waxa ka caawin karta difaaca kala daadsan ee Gunners, gaar ahaan Sokratis oo ay fool ka fool iskaga hor yiman doonaan.

SomlegalAds

Noqo kan ugu horeeya ee hela xog – Ku Biir Boggayaga Twitterka

Difaaca reer Giriig ee Sokratis, waxa caqabad ku noqon doonta inuu maare u helo orodka Mohamed Salah, sababtoo ah, isagu waa ciyaartoy aan dheeraynin, sidoo kalena taatikada farsamaysan ee Salah ayaa xilli horeba ku ridi karta kalsooni darro. Arrinta kale ee jirta ayaa ah in weeraryahannada kale ee Liverpool, sida Mane ay yihiin kuwo dheereeya, haddii ay fursad ka helaan Sokratis na waxa uu noqon doonaa mid guul-darraystay.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.