WorldRemitAds

Saddexda Furimood Ee Ay Ku Kala Guulaysan Doonaan Liverpool Iyo Arsenal
Robertson iyo Arnold

1 Robertson iyo Arnold vs Lichsteiner iyo Kolasinac

Difaacyahanada baalaha labada kooxood, waxay qayb ka qaadan doonaan sida ay noqonayso ciyaartu, horena waxa loo ogaa in Robertson iyo Arnold ay udub-dhexaad u ahaayeen guulaha cajiibka ah ee xili ciyaareedkan ay Liverpool gaadhayso. Andy Robertson, gaar ahaantiisa, waxa uu yahay ciyaartoy qof walba indho sarcaad u riday, laguna tilmaamo mid ka mid ah tiirarka xilligan ee Reds, kaas oo uu tababarihii hore ee Manchester United, Jose Mourinho ku tilmaamay laacib mucjiso ah oo uu eegmadiisa ka jeedsan kari waayey.

Robertson iyo Arnold waxay si toos ah uga qayb-qaateen 7 gool oo kooxdoodu dhalisay, khadka difaacana waxay ka qabtaan shaqo aan caadi ahayn, waxaana adag in si dhayal ah lagu dhaafo. Jurgen Klopp waxa uu u sheegaa in marka kooxdu kubadda haysato ay u ciyaaraan sida weeraryahannada, waana fikrad shaqaysay, balse shaqadooda dabiiciga ah marna ma dayacaan.

SomlegalAds
Saddexda Furimood Ee Ay Ku Kala Guulaysan Doonaan Liverpool Iyo Arsenal
Stephan Lichtsteiner

Mucjisooyinka laga diiwaangeliyey Arnold iyo Robertson xili ciyaareedkan badhtamaha maraya waxa ka mid ah, in isku geyn ay goolka  horteeda soo dhigeen 150 karoos oo qaarna laga faa’iideeyey kuwo kalena halis badan abuureen amaba xilli dambe ay goolal noqdeen.

Dhinaca difaacyahannada Arsenal ee Lichsteiner iyo Kolasinac, ma jirto xog fiican oo ugu jirta diiwaankooda xili ciyaareedkan, kulamo badana waxay ahaayeen dhaawac dibedda jiifa.

Maqnaanshaha Mustafi iyo Hector Bellerin, waxay Arsenal ka dhigtay koox diciif ka ah difaaca dambe, sidoo kalena waxa fursad ku helay Lichsteiner, hase yeeshee, si kasta oo ay dedaal u sameeyeen ma jiraan meel ay kaga dhow yihiin Arnold iyo Robertson, bandhiggooda maanta iyo halganka afartooduna waxa uu saamayn ku yeelanayaa natiijada kasoo bixi doonta ciyaarta.

Saddexda Furimood Ee Ay Ku Kala Guulaysan Doonaan Liverpool Iyo Arsenal
Sead Kolasinac

Si kastaba ha ahaatee, saddexdan goob dagaal, waxay noqon doonaan meelaha guusha kooxuhu ka iman doonaan.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.