WorldRemitAds

Saddexda Furimood Ee Ay Ku Kala Guulaysan Doonaan Liverpool Iyo Arsenal
Pierre-Emerick Aubameyang vs Virgil van Dijk

2 Pierre-Emerick Aubameyang vs Virgil van Dijk

13 gool ayuu dhaliyey qaybtii hore ee xili ciyaareedka, waxaana uu maanta Pierre-Emerick Aubameyang ka hor tegayaa difaaca ugu adag horyaalka Premier League ee Virgil van Dijk.

Weeraryahanka reer Gabon waxa uu yahay halis daqiiqad kasta, orod badan, madax iyo farsamo sarraysana waa hubka uu ku dagaal galo ee ka caawisay in isaga oo horyaalka Bundesliga kasoo noqday Afrikaanka ugu goolasha badan taariikhda, uu haddana ku hamiyo inuu ku guuleysto kabta dahabka ah ee Premier League.

SomlegalAds

Mar kasta oo uu kubadda qabsado, waxay si toos ah iskaga hor iman doonaan Virgil van Dijk, dagaalkooduna wuxuu noqon doonaa go’aamiyaha ciyaarta, iyadoo haddii uu Pierre-Emerick Aubameyang ka baxsado Van Dijk uu waajihi doono goolhayahay 12-ka ciyaarood shabaqiisa nadiifta ka dhigay ee Alisson Beker.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.