WorldRemitAds

  1. Saddexda Weerar ee Mohamed Salah, Sadio Mane iyo Roberto Firmino Ee Liverpool waxay fursado ka dhergi Doonaan haddii Difaaca dhex dambe ee City Laba ku koobto

Noqo kan ugu horeeya ee hela xog – Ku Biir Boggayaga Facebook-ga

Tabobare Guardiola wuxuu Kyle Walker u isticmaalay difaac saddexaad oo dhexe ciyaartii u dambeysay ee labadan kooxood ku dhex martay geggida Anfield, si uu u caabiyo weerarada aan kala go’a lahayn ee ay ku soo qaadayaan saddexda weeraryahan ee Liverpool. Laakiin, nasiib daro, ciyaarta todobaadkan qaabkaas kuma soo safi karo naadigiisa, sababtoo ah, kooxdiisu waxay doonaysaa kaliya waa guul, iyo inay soo qabato kooxda horyaalka sii korodhsanaysa.

Sidaas darteed, waxay u badan tahay inuu ku koobo difaaciisa dhex dambe, labada laacib ee kala ah, Aymeric Laporta iyo Vincent Company, taas oo fursad u siinaysa, weeraryahanada Liver ee Mohamed Salah , Sadio Mane iyo Roberto Firmino, inay siday doonaan ka yeelaan kubadaha afka hore ugu yimaada, isla markaana helaan fakaag ay kaga faa’iidaysan karaan, goolalna ku dhalin karaan.

SomlegalAds

Salah, ayaa kulamadii u dambeeyey oo dhan, ahaa weeraryahanka dhexe ee kooxda, waxaana xusid mudan inuu Liverpool u dhaliyey 16 gool, 27 ciyaarood oo uu u saftay xili ciyaareedkan, uuna ku rajo weyn yahay inuu gool dhalinta sii kordhiyo ciyaarta ay City is haleelayaan.

Firmino oo qaba car-carta saddex gooleydii uu ka dhaliyey ciyaartii Arsenal ee todobaadkii hore, ayaa noqon doona cabsida ugu badan ee dhex qotonta diilinta siddeed iyo tobanka ama xerada ganaaxa, Halka Mane, uu si joogto ah isugu dayi doono inuu xarfad kubada kula dhaafo difaacyahanada City.

Kubad isku dhiibashadii deg-dega ahayd ee ay kulamadii u dambeeyey soo bandhigayeen saddexda weeraryahan ee Liverpool, waxay sii laban laabi doonta mashaqada iyo khal-khal galinta difaaca naadiga City.

Noqo kan ugu horeeya ee hela xog – Ku Biir Boggayaga Twitterka

Hadaba, waxay isweydiintu tahay, Guardiola ma go’aansan doonaa inuu saddex difaac dhexe ah ku ciyaaro kulankan, soona dhigo shaxda kooxdiisa oo ah 3-5-2, taas oo gebi ahaanba qaab ciyaareedka kulankan isbedel ku samayn doonta. Lana micno ah in City sidaas oo ay tahay waliba ciyaaryahan dheeraad ah ku sii kordhin karto saddexda difaac ee dambe, una saamixi doonta inay si xarago leh u joojin karaan weerarka Liverpool.

Waxay sidoo kale shaxdani saamaxaysaa, in labada ciyaaryahan ee difaaca baalashu, ay markasta oo loo baahdo dib ugu soo degi karaan, siina kordhin karaan tirada difaaca xaga dambe City u jooga, waa haddii kooxdu dareento inay halisi ku soo wajahan tahaye.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.