WorldRemitAds

2. Dagaalka Ba’an Ee Khadka Dhexe Ku Dhex Mari Doona Labada Koxoood.

Noqo kan ugu horeeya ee hela xog – Ku Biir Boggayaga Facebook-ga

Waxaan cidna daah ka saarnayn in dagaalka ugu ba’ani dhex mari doono xoogaga aan kala dhicin ee labada kooxood khadka dhexe soo safi doonaan. City ayaa la arkaa inay soo dhigto Fernandinho, Bernardo Silva iyo David Silva safkeeda hore ee kooxda bilowga khadka dhexe, waxaana suurtowda inay soo raaciso Riyad Mahrez oo baasha weerarka ordaya, kaas oo si joogto ahna khadka dhexe ugu soo gurman doona.

SomlegalAds

Dhinaca kale. Liverpool ayay suurto gal tahay inay saddexda ciyaaryahan ee dhexda u soo xusho, Fabinho, Wijnaldum iyo Xherdan Shaqiri.

Waxaanu noqon doonaa, dagaal adag oo dhex mara, hal abuurka iyo farshaxanada xidigaha khadka dhexe ee naadiga City iyo Awooda iyo tayada ciyaaryahannimo ee laacibiinta dhexda Liverpool, kuwaas oo cida ku adkaata go’aanka natiijada ciyaarta qayb ka noqon doonto.

Noqo kan ugu horeeya ee hela xog – Ku Biir Boggayaga Twitterka

Firmino iyo Shaqiri waxay ku qasbanaan doonaan inay mar walba dhexda ku soo degaan si ay u xakameeyaan, kubad dhiibashada iyo raacida xorta ah ee ay sida fudud isugu dhiib-dhiibanayaan ciyaaryahanada City. Fabinho ayaa diirada saari doona la shaqaynta khaaska ah ee David Silva, kaas oo ah mishiinka khadka dhexe ee kooxda City.

Bernardo Silva ayaa la filayaa inuu ka dhex adeegi doono – gool ilaa gool. Isla markaana ay jiq ku noqon doonto Fernandinho sidii uu u dabooli lahaa goobaha uu ku baneeyo Shaqiri. Isku soo wada xooriyoo, khadka dhexe wuxuu noqon doona goob dagaal oo jilbaha la isku aasto.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.