WorldRemitAds

3. Difaaca Liverpool Oo Nuuxsi Loo Diidi Doono

Noqo kan ugu horeeya ee hela xog – Ku Biir Boggayaga Facebook-ga

Labada ciyaaryahan ee difaaca Liverpool, Andrew Robertson iyo Trent Alexander-Arnold, waxa caado u ah inay la guuraan oo kor u ruqaansadaan marka kooxdoodu weerarka tahay. Waxaase halis ku noqon doonta inay nuuxsadaan inta ay hor joogaan xidigaha afka hore ee City, waa Raheem Sterling, Leroy Sane iyo Mahrez kuwaas oo isku dayi doona inay ka faa’iidaystaan ruqaansiga difaaca Liver sameeyaan oo ka gudbi doona goobaha loo baneeyey.

SomlegalAds

Sterling ayaa ah hogaamiyaha ridamka weerar, kaas oo kubadaha uu daadihinayo iyo xariifnimadiisa ku dhaafi kara difaaca kooxda ka soo horjeeda, isla markaabana kubadaha u qaadi kara madaxana u saari kara kubado qurux badan, weeraryahanada naadigiisa ee sida Sergio Aguero. Wuxuu hore City ugu saxeexay 10 gool, 7 kalena wuxuu ka noqday caawiye xili ciyaareedkan.

Noqo kan ugu horeeya ee hela xog – Ku Biir Boggayaga Twitterka

Sane iyo Mahrez ayaa awooda inay sutida u qabtaan oo ku burburiyaan difaac kasta ilbidhiqsi ay fursad banaan ka helaan.

Sidaas darteed, difaacyahanada Liverpool, waxaa la gudboon inay ilaalo aan dhaq-dhaqaaqin ka noqdaan goolkooda, una babac dhigaan halista weeraryahanadaas aynu xusnay intii suurto gal ah. Ciyaaryahanada difaaca khadka dhexe raacsan ee kooxda Liverpool, iyaguna waa inay si joogto ah uga warhayaan guur-guurka difaacooda si ay u daboolaan haddii ay baneeyaan, si aan baalasha City u helin fursado banaan oo ay halis ku abuuri karaan.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.